UAE”Maxkamad 11 Ruux Ku Xukuntay Xabsi Daa’in iyo Sababta Lagu Xidhay
   March 29, 2016 - Written by Berbera Today
       
       
   
    
Dubai(Berberatoday.com)-Maxkamada dalka Isu  taga-Imaaraadka-Carabta  ayaa Axadii shalay xabsi daa’in ku xukuntay eedaysanayaal loo heystay inay abaabulayeen weeraro argagaxiso oo ay dhaqaale ugu aruurinayeen kooxo argagaxiso ah.
Dadka maxkamada lasoo taagay ayaa gaadhayey 41 qof, kuwaasi oo labo kamid ah la xukumay iyagoo maqan.
Kooxdan ayaa lasoo qabtay bishii Oktoober ee sanadkii hore waxaana  lagu eedeeyey in qaarkood lagu helay hub kala duwan,  sidoo kale waxaa lagu eedeeyey in ay dhaqaale u aruurinayeen kooxda Al Nusra ee Al Qacidada ka dagaalanta dalka Siiriya.