berberatoday.com
Xisbiga Waddani Oo Madaxwayne Siilaanyo Uga Digay In La Hakiyo Diwaangalinta Codbixiyayaasha
March 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaridka Waddani ayaa ku adkaysanaya in lasii diwaangalinta Codbixiyayaasha kadib markii maanta Xukuumada iyo Xisbiyada KULMIYE iyo UCID isla qaateen in dib loo dhigo.

Madaxwaynaha ayaa komishanka doorashooyinka u gudbiyey warqad uu kaga codsanayo in Diwaangalinta COdbixiyayaasha ay dib u dhigaan Abaaraha ka jira Somaliland Darteed, balse Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ku adkaysanaya in la wado Diwaangalinta, shacabkana la caawiyo.

Xisbiga Waddani waxaa uu ka digay Sumcad xumo ay Somaliland usoo hoyso diwaangalinta Codbixiyayaasha oo joogsata kadibna fashilanta sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Xisbigaas.

War saxaafadeedka Xisbiga Waddani ku diiday In diwaangalinta La hakiyo ayaa u dhignaa sidan:-

REF/XIS/WAD/XDH/2306/2016                                                                            Taariikh: 28th March, 2016

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland                                                                                        =Hargeysa=

OG: Komishanka Doorashooyinka                                                                                                                  =Hargeysa

 

Ujeeddo: Mawqifka Xisbiga WADDANI ee ku Wajahan Hakinta Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

Mudane Madaxweyne naga guddoon salaan xushmad iyo qadarin mudan.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxay dalka ka bilaabantay 16/1/2016. Bilawgii diiwangelintana xaaladda abaartu way ka jirtey gobollada dalka oo dhan. Bulshada Gobolka Togdheer waxay soo jeediyeen baaqyo kala duwan oo ay ku codsadeen in dib loo dhigo bilawga diiwangelinta, hase yeeshee waxa la go’aamiyey in la bilaabo diiwaagelinta iyada oo la tix-geliyey qorshe-hawleedkii qaranku isku raacay ee diiwangelinta cod-bixiyeyaasha loo dejiyey.

Sidoo kalena abaar adag ayaa ka jirtey Gobolka Awdal waxayna codsadeen in diiwaangelinta dib loogu dhigo, lagamana yeelin. Sidoo kale, Gobollada Saaxil, Hawd iyo Gebiley oo duruufo adag oo abaaro ahi ka jireen waa laga diidey in diiwaanglinta dib loo dhigo.

Todobaadka soo socda oo ay diiwaangelintu ka bilaabmayso Gobolka Maroodijeex isla markaana aanay jirin duruuf ka duwan tii ka jirtey Gobolladii hore ee diiwaangelintu ka dhammaatey ama ay ka socoto komishankuna diyaariyey dhammaan wixii hawl ahaa ee looga baahnaa bilawga diiwaangelinta iyo iyada oo aanay jirin wax cabasho ah oo ka yimid shacbiga gobolka Maroodijeex lana xidhiidha dib-u-dhigisa diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ma muuqato mana jirto sabab loo hakiyo ama loo joojiyo.

Mudane madaxweyne joojinta ama hakinta diiwaangelinta waxay keeneysaa fashil ku yimaada diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo qaranka tacab badani ka galay, waxaana Somaliland ka soo gaadhi doona hantaaqo iyo dhibaato aanay ka soo kaban karin, iyada oo hore ay u fashilantay diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee 2008/2009.

Sidaas darteed Xisbiga WADDANI qayb kama noqon doono soo jeedin, qorshe ama go’aan kasta oo lagu hakinayo ama dib loogu dhigayo diiwaangelinta guusha ku dhow oo aannu u aragno in haddii la hakiyo ama dib loo dhigo ay qaranka u geysanayso dhib weyn oo aanu ka soo kaban karin.

Ugu danbayntii Xisbiga WADDANI waxa uu soo jeedinayaa in la isku wado u gurmadka shacbiga ee abaaraha iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, maadaama ay diiwaangelintu ka dhammaatey Gobollada  Awdal, Togdheer, Saaxil, Hawd iyo Gebiley, loona baahan yahay in si siman looga hawl-galo gobollada dalka

 

_____________________________________

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews