berberatoday.com
Xukuumadda Oo Taakulo Jal Ah Gaadhsiisay Boqolaal Qoys Oo Ku Tabaalaysan Saxara La Moodka Banka Geriyaad
March 29, 2016 - Written by Berbera Today

Xukuumadda oo Taakulo Jal ah gaadhsiisay Boqolaal qoys oo ku tabaalaysan Saxara la moodka Banka Geriyaad

timirta

Saylac(Berberatoday.com)-Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa maalintii labaad howl-gal quudin iyo kor-meer  xaqiiqo raadin isugu jira ka fuliyey deegaamo ku teedsan Saxara lamoodka Banka geriyaad ee Gobolka Selel  oo ay abaar soof ma reeba ahi ku haleelshay Dad reer guuraa ah oo halkaa Xoolaha badankoodii kaga baxeen, kaddib markii xaaluf daba dheeraaday iyo xanuunno isu barkadeen.

Bulshada  ku dhaqan Deegaamadan weftigu maanta gurmadka ku maray, ayaa ah  dad ay ka muuqdaan saxariir iyo soomal haad badan oo ay abaartu badday, kuwaasoo ay duruufta baahidu ku khasabtay inay waddooyinka istaagaan si ay Baabuurta halkaa maraysa u waystaan kaalmo.

Baahidooda ugu darani waa biyo iyo cunto ay afka geliyaan marka ay u gacan haadinayaan  Baabuurta waddada maraysa, taasoo isha aragtaa uun qiyaasi karto marxaladda ay dhab ahaan ku sugayaan gacanta eebbe iyo go’bo caawimo oo bina’aadam uga timaada.

Tusaalena waxa loo soo qaadan karaa xaalad macaluul iyo haraad gaadhsiisan, in xataa dadku habeenkii  dariiqyada u istaagaan  Baabuurta si ay jal u waydiistaan.

Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo saaka arroornimadii hore ka ambo baxay Magaalada Geerisa oo fadhigoodu ahaa labadii maalmood ee u dambeeyey,  ayaa  Biyo, cunto fudud oo gacan ka dhiib ah iyo Daawooyin ku siiyey  Qoysas ku talaabaysan duleedka Geerisa ilaa Ceel Gaal inta u dhaxaysa.

Tilmaan ahaan, deegaamada xidhiidhsan,  Caasha caddo, laagta Morohda illaa ceel Gaal  ayaa weftigu waxay kula kulmayeen Maato dariiqyada banka wadhan u baahan gargaar caafimaad, cunto, biyo, gaadiid ay maxasta ku qaataan iyo qaar duunyadii ka dhamaatay oo samato bixin dalbaday.

Geesta kale, Weftiga ayaa intii ay dadkan Taakulada qaybinayeen sidoo kale dadka  ka xog waraysanayey Xaaladooda nololeed ee ka hoosaysa muuqaalka  diifta badani ka sokayso .

Mid kamida ah dhacdooyinka naxdinta iyo xanuunka badan ee ay dadku warameen ayaa ah Hooyo umul ah oo ku dhiig baxday Xaalada dhalmada  laba maalmood ka hor Tuulada Ceel Gaal, taasoo ay Kooxo gurmadka caafimaadka ku shaqo leh oo weftiga la socdaa siiyeen Daawooyin iyo bushqado cuntada nafaqada ah.

Deegaanka Ceel Gaal ma laha xarun Caafimaad. Dadka halkaa ku dhaqanina waxay ka cawdeen la’aanta adeegyada aasaasiga ah, sida  xarun Caafimaad oo lagula tacaalo caafimaadka Carruurta iyo haweenka u jilicsan diifta abaarta. “Gabadhu markay foolato meel loo qaado waxa noogu dhaw Geerisa iyo Saylac, Gaadiidna ma haysano” sidaas waxa tidhi Malyuun oo kamid ah Haweenka Deegaanka Ceel Gaal.

Bulshada ku dhaqan Deegaankan iyo jiida kale ee Weftigu maray dhamaantood waxay masuuliyiinta dawladda ka dalbadeen inay maalinba maalinta ka dambeysa xaaladoodu ka sii darayso, iyagoo musawir buuxa ka bixiyey wacyiga ay ku jiraan oo ay ku tilmaameen mid noole la saaxiibo kuu ugu adkaa.

aba

Saleeban Cabdi Cali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews