berberatoday.com
“Anigu Meel Aan Xaal Iyo Raali-gelin Uga Geeyo Madaxweynaha Ma Muuqato, Waayo? Ninka Meel Ka Dhaca Tirsanayaa Waa Aniga..”Xuseen Axmed Caydiid Wasiirkii Hore Ee Cadaalada
March 30, 2016 - Written by Berbera Today

Wasiirkii hore Ee Cadaaladda oo Gar-naqsaday

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaalada Somaliland, imikana ka mid ah Xubnaha la baxay Isbaheysiga KULMIYE Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay in Sababta Rasmiga ah ee uu Xukuumadda iskaga Casilay tahay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay rafiiq ahaayeen illaa wakhtigii Halganku uu kaga baxay Qorshe ay ku taageersanayeen isaga iyo Xubnaha kale ee Xukuumadda iska Casilay, kaasi oo ahaa in Madaxweynuhu muddo Saddex Sannadood ah u sheegayey inuu yahay Musharraxa Xisbiga KULMIYE ee Shanta Sannadood ee dambe, laakiin isagoon waxba la socon siinin uu Musharraxnimada Xisbiga uga hadhay Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu ka mid ahaa Siyaasiyiintii sida weyn uga soo hor-jeeday.

Warka 2-aadXuseen Axmed Caydiid oo Shalay Hargeysa ugu waramayey Telefiishanka Bulsho, ayaa isaga oo ka jawaabaya su’aal nuxurkeedu ahaa inuu Madaxweynaha ka Raali-gelinayo Iscasilaaddiisii, ayaa yidhi, “Madaxweynaha In badan baanu soo wada Hawl-galnay, Illaa SNN baan ku soo gaadhay isagoo Guddoomiye ah, 1993-kiina Baarlamaanka ayaanu soo wada galnay, ilaa 1997-kiina Shirkii Qabsoomay ayaanu ku wada jirnay Madaxweynaha, Ragga iskugu dhow ayaanu ahayn Madaxweynaha, Raggaa muddada dheer Xisbiga KULMIYE ku soo wada jiray baanu ahayn, Shantaa Sannadood iyo dheeraadkaana Wasiir baan u soo ahaa.”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, uu sheegay inuu Meel ka dhac ka tirsanayo Madaxweynaha, “Soomaalidu waxay ku Maahmaahdaa Ratigu (Awrku) Xamilkiisa wuu qaadaa, Xadhig-qaloocan’se ma qaado, waxa Xadhig-Qaloocan nagu noqday (Madaxweynaha), Waayo? isagoo Saddex Sannadood lahaa Anigaa Musharrax ah, Saddexdaa Sannadood na Raggii ay Muuse is-garaaceen Anigu aan ka mid ahaa kuwa ugu horeeya Anigoon Musharrax ahayn ee aan Axmed-Siilaanyo ilaalinayey inuu isaga oo aan waxba i waydiinin yidhaahdo Muuse Biixi baan qaatay oo aan uga hadhay oo aan Siiyey Musharraxnimadii, dee markaa Xadhig-Qaloocan ayuu nagu noqday.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waayo? Toban goor oo hore oo aanu waydiinay oo aanu nidhi Madaxweyne Muuse miyaad uga Hadhay uu yidhi Maya oo taasi ma jirto, illaa Shirkii uu Muuse Gacanta ugu taagey aanu odhanin waan ka hadhay Arrintaa Mooyaane aanu ka hadal.”

Mr. Xuseen waxa uu sheegay inuu isagu Meel ka dhac ka tirsanayo Madaxweynaha, “Talo ayaa naga dhaxeysay oo isaga ayaanu sidaa ku daba joognay oo aanu ku ilaalinaynay ee Sababta uu nooga tagey inuu noo sheego sow ma ahayn?, markaa Anigu Meel aan Xaal iyo raali-gelin uga geeyo Madaxweynaha ma muuqato, oo Ninka meel ka dhaca tirsanayaa waa Aniga.”ayuu yidhi

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews