berberatoday.com
Aqoonyahan Jamaal waxa cunaha kaga maran marwada madaxweynaha iyo xukumadda Siilaanyo
March 31, 2016 - Written by Berbera Today

” INA AW SACIID”. Waa ganacsade Reer Djibouti ah, oo ku dhex milmay siyaasada Somaliland. Wuxuu kow ka yahay “dhiigmeeratada” ku can baxday boobka hantida qaranka . Hadafkiisu ugu wayni waa inuu dhiso Xukuumad Muuse Biixi Madaxwayne ka yahay, asaguna dusha ka Aqoonyahan Jamaal Cali Xussein wuxa lagu tilmaami karaa LIBAAX dabin u galay dad ay coloobeene.Waxa warmo sumaysan ku ganaaya Faysal Cali Waraabe oo ah guddomiyahii UCID. Waxa la yidhi “nin soori kaa qaaday, waa nin seefi kaa qaaday ” . Guddoomiye Faysal waxa u hilaacday lacag , waxaana sheeda ka tusay Ganacsade ” INA AW SACIID”. Waa ganacsade Reer Djibouti ah, oo ku dhex milmay siyaasada Somaliland. Wuxuu kow ka yahay “dhiigmeeratada” ku can baxday boobka hantida qaranka . Hadafkiisu ugu wayni waa inuu dhiso Xukuumad Muuse Biixi Madaxwayne ka yahay, asaguna dusha ka maamulo, xoolahu dhacayna ku ilaashado, mid kalena ku boobo.. Aqoonyahan Jamaal waxa cunaha kaga maran xukuumada Madaxwayne Siilanyo , Marwadiisa Amina Weris , Wasiiradiisa, iyo Maamulka Dekeda Berbera.

 

Jamaal Tolwaayay wuxuu galay dhufays adag uu keligii qotay, waxaanu wacad ku maray inaanu is-dhiibin oo dhufayska kasoo bixin. Wuxuu ku jiraa dagaal adag oo uu ku keliyastay.Garab iyo gaashaan kama helo TOLKII. Taageeryashiisu waa qaar aamusan oo bahdilan. Muj Cali Guray, wuxuu ahaan duqii calaafta u dhigay Jamaal.Qayb buu ka ahaa heshiiski lala galay oo xoolahii laga qaaday.Waxa ku haboonayd Cali Guary inuu runta ka sheego waxii dhacay, waxa hada socda, iyo wuxuu damacsanyahay. Nasiib darro, Cali Guray xilkaa kama soo bixin. Wuxuu ku mashquulay Facebuuga,diyaarna uma aha inuu ka horyimaado ganacsadaha Reer Djibuuti ee uu sito Basaboorkooda, hayb hoosena wadaagaan..Guud ahaan, bulshada Somaliland waxay daawanaysa filim kaartoon uu Faysal Atoore xun “Villain ” ka yahay. Bal aan dhawrno halka uu ku dhamaado iyo waxay u dhasho Muuse Biixi , Faysal, Amina Weris iyo Ina Aw Saciid.Aqoonyahan Jamaal Tolwaayay wuxuu u baahanyahay Hiil Qaran iyo Hiil Qoys.
Wuxuu yidh Abwaan Qaasim , Alle ha u naxariiste:
“Waxaan ahay Libaax dabin u galay, dad ay coloobeene,
Dalandooli iyo xaar-walaal , bahalo duul-duul Ah,
Waxaaso dugaaga igu shiroo , xar iyo dooryaanle,
Doofaar Abanduule ah iigu sii darane,
Ha yeeshee sidaa kuma damqado, daacuflaha Aare.

Drs Hoodo Yusuf, UK ,London.
yahoodo@yahoo.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews