berberatoday.com
“Jamaal Cali Xuseen Waa Musharaxa Rasmiga Ah Ee Xisbiga UCID”Gudoomiyaha Labaad Ee Xisbiga UCID
March 31, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee ee UCID muj. Cali Gurey ayaa waxaa uu sheegay in musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID u yahay Jamaal Cali Xussen sidaasna waxaa uu ku sheegay qoraal uu soo dhgay boga uu ku leeyahay shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook waxaana uu ku bilaabey sidan.

cali-guray

QODABADA XEERKA UCID

QODOBKA 27AAD

MUSHARAXIINTA MADAXWEYNE IYO MADAXWEYNE KU XIGEEN

Xarafka 1 aad

Musharaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen waxa dooranaaya Golaha dhexe ee xisbiga.

Xarafka 2aad

Murashaxnimadda Jagooyinka madaxweyne iyo ku xigeenka iyo xubinamadda hogaanka sare ee Xisbigu way kala madax banana yihiin.

Xarafka 3aad

Xubina looma sharaxi karo musharax madaxweyne ama ku xigeen wax ka badan laba jeer.

QODOBKA 16AAD

HAWLAHA GOLAHA DHEXE

Xarafka 9aad ‘ Golaha Dhexe wuxuu ansixinayaa heshiisyadda uu xisbigu la galo xisbi ama cid kale( dhinaca Kale)

Xarafka 10aad

Golaha Dhexe wuxu u Codaynayaa cidda noqonaysa murashaxa madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka

Kalfadhigii Golaha Dhexe ee qabsoomay bishii October 2012 wuxu ansixiyay heshiiskii labada dhinac ee UCID iyo dhinicii Udub ee Jamaal Cali Xuseen hogaaminayay

waxa lagu doortay musharixiinta u tartami doontaa doorashada madaxtooyada oo loo kala doortay

– Musharaxa Madaxwaynaha Jamaal Cali Xuseen

– Musharaxa M/xigeenka Cabdirashiid Xasan Matan waxana u codeeyay dhamaan xubnihii fadhiyay oo ahaa kuwii lagu doortay Shirwaynihii Xisbiga cid diidayna may jirin

 

28kii October ayuu Gudoomiyaha UCID Mudane Faysal Cali Xuseen ugu gudbiyay go’aamadii Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe oo ay ku cad yihiin musharixiinta xisbiga UCID ee jagooyinka

Madaxwaynaha iyo Madaxwayne xigeenka oo kala Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Gudida Diiwaangelinta iyo kala saarida ururada nuqulo toos ugu socday ayuu u diray.

Inta ka dib arinta musharixiintu way ka baxday gacanta xisbiga oo waxay gacanta u gashay Komishanka doorashada si ay uga gutaan waajibkooda- u hubiyaan in ay shuruudihii looga baahnaa buuxinayaan iyo in kale. Hadii aanay buuxinayn Komishanku wuxu xaq u lahaa inu dib ugu soo celiyo xisbiga hadii ay buuxiyeena ay rasmi ahaan uga aqbalaan

Heerkaa marka ay gaadho xisbigu xaq uma laha inu cid kale ka daba keeno oo bedela kuwii hore ee Kommishanku hayay hadii aanu/aanay banayn jagadii uu musharaxa u ahaa ama ahaayeen taasi oo sida sharcigu dhigayo uu ku banaanaan karta:

– Musharaxa oo iskii isu casila

– Isaga oo dembi ciqaab (criminal case) ah gala inta uu musharaxa yahay

– isaga oo geeriyooda

Sedexdaad mi ka mid ihi hadii ay dhacaan ayuu go’aanku dib ugu noqon karaa gacanta xisbiga iyo Golihiisa Dhexe si ay waajib kooda mar kale uga gutaan oo jagadii banaanaatay u soo buuxiyaan.

Hadaba, marka hore meel uu sharciga kaga jiro wax la yidhaa musharax ku meel gaadh ah Ama aan rasmi ahayni ma jirto ku xisbi iyo ku qaran midnaba

Sidaa daraadeed Jamaal Cali Xuseen ayaa ilaa hadda ah Musharaxa jagada Madaxwaynaha. Tuug ma xado. Waxay jagada musharaxnimadiisu ku banaanaan kartaa keliya isaga oo iskii isaga casila, gala dembi ah Criminal Case ah iyo isgoo ay tiisi timaado oo geeriyooda

Hadaba in kasta oo xaga Faysal wax sharci la yidhaa ka shaqaynin cid uu xoog iyo sharci darro wax kaga qaadi karaana aanay jirin wadadee ayuu u mari karaa musharaxnimada jagada Madaxwayne ee Jamaal haysto? Wuxu u baahan yahay talo dhinaca sharciga ah. Cidda u wakiilatay dagaalka burburinta UCID ilaa hadda Maxaa guulo ah ee uu u sheegi karaa? Ma jirto gardarada qaawan uu kula kacay Jamaal isaga iyo ciddii qandaraaska uu ka soo qaatayna way qaawisay dadkana wax bay fahmsiisay hadii cid ka faaiiday ay jirto wuxu noqon karaa ka laga gardaran yahay

 

Faysal iyo Jamaal waxay wada galeen wacad Alleh qof muslin ah oo diin iyo milad iyo iimaan lihi hadii uu wacad galo kama baxo ee wuu oofiya Ilaahayna wuxu ina HADAA WACAD GASHAAN OOFIYA WACADKU WAA MASUULIYAD EH. Faysal dadka inta in uun lexejeclo ka qabta ee wanaagiisa jecel oo dhan waxay ku kala tegeen WAAR IN AAN WACAD ALLEH KU QABAN HA KA BIXIN WACADKII AAD GASHAY XISBIGAAGANA HA U LOOGIN XISBI KALE. Dhegta kale waxaa afka ugu haya kuwo iyaguna ku leh KA BAX WACADKII AAD LA GASHAY JAMAAL OO KA QAAD MUSHARAXNIMADA SI XISBIGAAGU U BURBURO taas oy musharaxa kulmiye u arko dantiisa lakiin uu ku hoogi doono.

Ninkaa odayga ah waxay kaga dhegen tahay hadaan la ii burburin Saldanadda Subayr Awal iyo Xisbiga UCID talo tay maaha madaxwaynena noqon maayo. Yaab waar ninka ma faal baa u qabtay

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews