berberatoday.com
Nin U Hilloobay Aragtida Xaaskiisii Hore Oo Diyaarad Ka Afduubay Dalka Masar
March 31, 2016 - Written by Berbera Today

1Qaahira(Berberatoday.com)- Shalay gelinkii hore waqtiga Bariga Afrika waxaa warbaahinta dunida oo dhan si xoog ah u soo galay warka naxdinta lahaa ee afduubka diyaarad laga leeyahay dalka Masar, oo la sheegay in nin xidhan suun qarxayaa uu ku qasbay in ay fadhiisato dalka Qubrus. Haddaba Geeska Afrika oo saacadihii ka dambeeyey afduubkaas iyo dhammaadkiisiiba si dhow ula socday warbixinaha tallaabo, tallaabo u soo gudbinayey dhacdadan ee ay warbaahinta dunidu faafinaysay, ayaa warbixintan ku soo koobay xaaladda afduubkaas iyo waxa uu ku dhammaaday.

Bilowgii:

Wasiirka Duulista dalka Masar ayaa muddo yar kadib markii ay diyaaraddu hawada ku sii maqnayd, talefishanka dalkiisa ka sheegay in diyaaraddii la afduubay. Masuul isla iisla wasaaradda ka tirsan oo isna la hadlay Talefishanka Alcarabiya ayaa sheegay in diyaaraddan ay saarnaayeen 30 ruux oo Masaari ah, 1 u dhashay Suuriya, 8 Maraykan ah, 4 Ingiriis ah, 4 Holland u dhashay, 2 u dhashay Belgium, 1 Faransiis ah, 2 Giriigga u dhashay iyo saddex ruux oo aan la aqoonsan ciddooda. Taas oo tirada rakaabka diyaaradda ka dhigaysa 56 ruux oo Rakaab ah, waxaa sidoo kale saarnaa 7 qof oo shaqaalaha iyo duuliyeyaasha diyaaradda ah iyo ninkii amniga diyaaradda qaabilsanaa.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Air Bus 321 ayaa Lixdii iyo Rubuc subaxnimo ee salaasadii shalay ka kacday magaalada Iskansariya ayaa ku jirtay duulimaad gudaha dalka Masar ah, waxa aanu qorshuhu ahaa in ay rakaabkan geyso Qaahira, laakiin afduubaha ayaa dalbaday in ay khadkeeda beddesho oo ay ka degto garoonka diyaaradaha ee Larnaka oo markii ay soo fadhiisatay si ku-meel-gaadh ah loo joojiyey in ay diyaarado kale ku soo degaan inta arrintan la furdaaminayo. 7.30 subaxnimo ayaa ay diyaaraddan afduubani la hadashay qaybta hagista diyaaradaha ee garoonka Larnaka Labaatan daqiiqo kadib ayaana la siiyey fasaxa ah in ay ku soo fadhiisato garoonkan.

Booliiska Qubrus waxa uu sheegay in afduubuhu uu mariiba ogolaaday in diyaaradda ay a degaan dumar iyo carruurtu, cabbaar yar kadibna waxa uu ogolaaday in rakaaba wixii u dhashay Masar ay ka degaan diyaaradda.

Yaa afduubay diyaaradda?

Bilowgiiba Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qubrus iyo wakaaladda warwarka ee Masar ayaa sheegay in ninka diyaaradda afduubay uu u dhashay Masar, laguna magacaabo Ibraahim Samaaxah oo macallin Taariikhda dhiga ka ah Qaahira, laakiin warkaas muddo yar kadib waa la beeniyey. Iyada oo la sheegay in ninkaasi uu rakaabka caadiga ah ee diyaaradda ka mid ahaa. Xukuumadda dalka Masar ayaana ninkaas raalligelin rasmi ah dhaqso u siisay.

Mar dambe ayaa la xaqiijiyey in ninka afduubka geystay uu yahay  Sayfuddiin Mustafa, oo wasaaradda arrimaha dibadda Masar ay sheegtay in uu uu maskax ahaan xanuunsanayo. Waxa kale oo la sheegay in uu ahaa nin dhowr jeer lagu soo oogay dembiyo la xidhiidha dhac iyo khiyaamo, dhowr xukun oo xabsi ahna lagu riday. Laakiin masuul u hadlay Qubrus oo lagu magacaabo Alexandros Zenon ayaa warbaahinta ku yidhi, “Waxa aanu caddaynay in arrintani aanay wax xidhiidh ah la’ lahayn hawl argagaxiso. Sida muuqatana ninka afduubka geystay waa nin khalkhalsan oo nafsiyan u buka, xaaladdaas ayaana lagula macaamilayaa kiiskiisa”

Caashaqii afduubka sababay:

Warku waxa uu sheegayaa in ninkan afduubka geystay markii diyaaraddu ay ku degtay Qubrus sidii uu isagu dalbanayey, ay markiiba ciidamada ammaanka diyaaradaha ee Qubrus la xidhiidheen si ay u weydiiyaan waxa uu doonayo iyo ujeedada uu ka leeyahay afduubka, waxa aanu dalbaday qodobbo uu ka mid yahay; in dalka Qubrus uu siiyo magangelyo uu dalkaas ku noolaado. Warbaahinta dalka Qubrus waxa ay sheegtay in ninkani reer Masar ee diyaaradda afduubay gabadh ay hore u kala tageen ay ku nooshahay Qubrus. Ninkan oo doonayey in uu xaaskiisaa hore kala xaajoodo xidhiidhkooda, taasina ay keentay in uu diyaarad afduubo. Waxa kale oo uu dalbaday in la tuso xaaskiisii hore, isaga oo ku hanjabaya in haddii haddii aan dalabkiisaa la aqbalin uu diyaaradda ku qarxin doona suun qarxaya oo dhexda ugu xidhan.

Mid ka mid ah masuuliyiinta sare ee dalka Qubrus arrintan ugu hawlanaa ayaa isna caddeeyey in afduubuhu uu bilowgiiba dalbaday in madaarka la keeno xaaskiisa ay hore u kala tageen oo u dhalatay dalka Qubrus, kuna nool degmo lagu magacaabo Oroklini oo ku dhow gegida diyaaradaha ee Laranka, si uu u arko.

Dalabkii Afduubaha:

Isla markii Afduubaha lagu wargeliyey in ay diyaaraddu fadhido Qubrus waxa uu dalbaday in loo doono turjumaan, si uu wada hadal ula bilaabo masuuliyiinta Qubrus, arrintaas oo markiiba xaaladda dejisay, in kasta oo uu diiday in uu sii daayo rakaabkii aan Carabta ahayn ee diyaaradda saarnaa iyo shaqaalihii diyaaradda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar Shariif Ismaaciiil ayaa warbaahinta u sheegay in afduubaha oo u dashay dalka Masar uu dalbaday in loogu yeedho masuul ka tirsan midowga Yurub, iyo in loo ogolaado in dal saddexaad oo aan Masar iyo Qubrus ahayn magangelyo loo geeyo.

In kasta oo labadaa dalab ee hore laga diiday waxaa ay masuuliyiinta Qubrus xaqiijiyeen in ay afduubaha u fuliyeen dalabkiisa kale ee ahaa in xaaska ay kala tageen loogu keeno madaarka sii uu sheedda uga arko uun. Iyada oo taas la fulinayo ayaana madaarka la keenay gabadhan oo uu la socdo wiil ay dhashay.

Isdhiibiddii afduubaha:

Gelinkii dambe ee isla salaasadii shalay ayaa ay Idaacadda dalka Qubrus sii deysay warka afduubihii oo aakhirkii diyaaradda ka soo degey isaga oo gacmaha kor u taagaya, xukuumadda dalkaasina waxa ay xaqiijisay in ay xabsiga u taxaabtay ninkaas.

Isdhiibista ninkani waxa ay soo afjartay saacado warwar iyo naxdin u ahayd rakaabka diyaaradda iyo masuuliyiinta Qubrus iyo Masar oo si joogto ah xidhiidho ay u yeelanayeen labada madaxeyne, wasiirrada arrimaha dibadda, wasiirrada duulimaadyada iyo masuuliyiinta labada dhinac ee arrintani khusayso. Waxaana si nabad qab ah diyaaradda uga soo degey dhammaan rakaabkii saarnaa iyo shaqaalihii.

Suunkii qarxayey oo been noqday:

Markii afduubaha la qabtayba waxaa caddaatay in suunka uu dhexda ku xidhnaa ee uu u adeegsaday afduubku uu ahaa suun aan qarxayn oo been abuur ah. Warar dambe oo soo baxayna waxa ay xaqiijiyeen in suunkani uu ahaa ka ay dhexda ku xidhaan dadka dhabar xanuunka leh si uu laf-dhabarta u taageero. Waxa kale oo ay baadhayaasha iyo masuuliyiinta Masar iyo Qubrus xaqiijiyeen in ninkani aanu ku xidhnayn kooxo argagaxiso iyo cid kale oo ka dambaysay afduubka midna, balse uu ahaa mid isagu iskii si shakhsi ah ugu kacay.

Amnig:

Ugu dambayntii afduubkan shalay ka dhacay dalka Masar waxa uu sababay in la hakiyo duulimaadyo ka tegeyey Qaahira oo ku socday magaalada New York ee dalka Maraykanka iyo caasimado kale oo caalamiya, arrintaas oo sumcad darro badan u soo hoynaysa dawladda Masar oo horeba loogu dhaliilayey in aanay ka adkayn ammaanka gegooyinkeeda diyaaradaha.

Masuul u hadlay dalka Ruushka oo lahaa diyaarad iyaduna bishii Oktoobar ee sannadkii ruux afduubay hawada ku qarxiyey oo ay ku dhinteen 224 rakaab ah oo u badan Ruush ayaa sheegay in arrintani ay mar kale sii caddaynayso jileeca amni ee ka jira gegooyinka diyaaradaha ee Masar.

 

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews