berberatoday.com
Nuxurka Kulan Gar-naqsi Ah Oo Dhexmarey Komishanka Doorashooyinka Iyo Xukumada Madaxweyne Silaanyo Iyo Shuruudo Adag Lagu Xidhay Hakinta Diwaangalinta.
March 31, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulan garnaqsi ah oo ay shalay isku soo hor fadhiisteen komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland iyo xukuumadda, ayaa guddida komishanku shuruudo adag ku xidheen in ay u hoggaansamaan hakinta diiwaangelinta codbiyeyaasha Somaliland oo maalin ka hor ay isla qaateen xukuumadda, labada gole baarlamaan, xisbiyada KULMIYE iyo UCID, halka sida oo kale hakintaas uu ka soo horjeestay xisbiga WADDANI, ka dib kulan qasriga madaxtooyada uu ku shir-guddoominaayey madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Siilaanyo.

komishanka

Ma jiraan warar amuurtan ku saabsan oo ka soo baxa dhanka Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo xukuumadda, balse siday wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah, ayaa sheegaya in kulankan ay gondaha isku dareen xubno ka tirsan xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxaana ay wararku sheegayaan in guddida Komishanku ay ku soo bandhigtay laba shuruudood oo ay ku xidhay inay u hoggaansamaan hakinta diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, iyaga oo wararku tilmaamay in shuruudahaas ay ka mid ahaayeen in xukuumaddu ay damaanad qaado dib-u-dhaca ku imanaaya Doorashooyinka la filaayo inay dalka ka qabsoomaan horraanta sannadka dambe ee 2017ka iyo sida oo kale in ay bixiyaan kharashaadka la khasaarayo mudadaas bisha ah ee ay dib u dhacayso diiwaangelintu oo lagu qiyaasay lacag dhan $1,000,000,000 hal miylan oo dollar.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in xubnihii xukuumadda kulankaas u metelaayey ay ka gowsadeygeen fulinta shuruudahaas, isla mar ahaantaana u muuqday kuwo aan diyaar u ahayn in ay damaanad qaadaan eeda gaarka ah ee xukuumaddu ay ku damaanad qaadayso dib-u-dhaca ku imanaaya doorashooyinka Somaliland iyo weliba sida oo kale bixinta kharashaadka la khasaarayo diiwaan-gelinta mudada bisha ah dib loo dhiggaayo.

Dhinaca kale, wararku waxa ay tibaaxayaan in komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ay xukuumadda ku eedeeyeen in ay afduubtay kulankii uu shirguddoominaayaye madaxweynaha Somaliland, isla mar ahaantaana aan laga qaybgelin inay talo ku yeeshaan go’aanka laga qaadanayo hakinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorka ay ku leeyihiin.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews