berberatoday.com
Sullaadiintii Xidhnaa Oo Dhegeysiga Dacwadoodu Ka Furantay Xabsiga Mandheer
April 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Waxa Shalay xerada tababarka ciidanka Bilayska RRU iyo SPU(Birmadka) ee Mandheera ku taala ka furmay dhagaysigii wajiga kowaad ee dacwad loo haysto sadex kamid ah hogaan-dhaqameedka beelaha dega xeebta waqooyiga Hargeysa iyo 14 oo Maxbuus oo kale. Kuwaasoo eedaysan inay 17kii bishii hore ay weerareen goob ay xiligaas ka socotay diiwaangalintii codbixiyeyaashu oo la yidhaahdo Hadayta.

Goobtan oo ku taala waqooyiga xeebta Hargeysa ayaa hawlihii diiwaangalinta ee ka socday ay joogsadeen ka dib markii rag hubaysani ay arbush ku sameeyeen .Lix goobood oo deegaankaasi ka tirsan ayaa mudo dheerba waxa ka jiray muran u dhaxeeya labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Awdal oo midba dhinaciisa u sheegto inay hoosyimaaddaan taasoo keentay in la xayiro markastoo doorasho ka dhacdo dalka.

Fadhigii maxkamadda ee shalay oo uu gudoominayey garsoore Axmed Dalmar ahna gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa waxa la dhageystay 7 markhaati oo uu dalbaday ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud Aadan Seed, Maxkamada oo bilaabmatay abaara 9 subaxnimo ee shalay ayaa waxa uu dhageysigeedii socday ilaa 5 galabnimo ,waxaana ka soo qaybgalay 150 qof oo uu horkacayey Suldaanka Guud ee beelo-weynta Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi isla markaana ay ka dhex muuqdeen Sheekh Aadan Siiro iyo mujaahidiin ka tirsanaa ururkii SNM.Waxa kale oo goobjoog ahaa haween ka mid ah qoysaskii eedaysaneyaasha.Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan ayaa isaguna fadhiyey dhagaysigii maxkamadda ee shalay.

Inkastoo kiiskani yahay mid muran siyaasadeed ku lug leh oo u baahan xal siyaasi ah isla markaana dhageysigii shalay lagu cadeeyey in aanay jirin wax dhaawac ama dhimasho ah oo dhacdada goob-diiwaangelineeda Hadayta, hadana xeer ilaalye Seed waxa uu eedaysane yaasha u cuskaday qodobo ciqaab oo iskugu jira, Xadhig ciqaabeed gaadhaya 15-sanno.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews