berberatoday.com
Wasiir Cukuse Oo Si Wayn Ugu Dhex Muuqday Madal Kulmisay Masuuliyiin Badan Iyo Kulan Uu La Qaatay Saaxibadiisii Garabka Isbahaysiga+Sawiro
April 2, 2016 - Written by Berbera Today
1-1Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxay ahayd madal kulmisay haldoorka bulshada Somaliland, masuuliyiin dawlada ka tirsan, siyaasiyiin wariyayaal iyo waliba saaxiibo badan oo siyaasadu kala fogaysay, waxaanay ahayd xaflad ka qabsoontay hotel Crown ee magaalada hargeysa islamarkaana  lagu daahfurayay xaflad lagu shaacinayay  balaadhin lagu sameeyey telefeeshinka BulshoTV oo hore looga daawan jira qaar kamida gobolada dalka oo kaliya hadana si toos ah hawada u galay.Waxana munasibadan kazoo qayb galay xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukumadda Somaliland, qaar kamida garabkii isbahaysiga kulmiye iyo siyaasiyiin kale.Waxaana markii la guda galay furitaanka munaasibadasi ayaa waxa munaasibad soo galay oo lagu soo casuumay wasiirka xananada xoolaha horena u ahaa wasiirkii warfaafinta mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse waxaan markaliya ay indhahisiu qabteen markii uu hoolka huteelka soo galay saaxabadiisi xukumadda ka tirsanaaa ee iska casilay isla markaana la baxya garabka isbahaysiga kulmiye.

Wasiirka Cukuse oo la filayay inuu fadhiisto kuraasta ay wasiiro xukumadda ka tirsan fadhiyaan ayaa waxa uu soo fadhiistay kuraastii ay fadhiyeen xubno ka tirsan garabka isbahaysiga oo iyagan xaflada lagu soo casuumay.

Waxanaa uu kulan farxadi ka muuqato la qaatay saaxibadii ay siyaasadu kala fogaysay ee garabka isbahaysiga KULMIYE, waxaana arintani ay la yaab ku noqotay boqolaal qof oo kazoo qayb galay xafladan iyaga oo markii ay xaflaadsii soo dhamaatayna ay dadwaynihii xaflaadaasi kazoo qayb galay ay isla dhex marayeen isna waydiinayeen sababta uu wasiir CUKUSE ula fadhiistay garabka isbahaysiga KULMIYE madaama la ogyahay inay iska casileen xukumadda madaxwayne Siilaanyo isna uu ka mid yahay wakhti xaadirka golaha wasiirada balse waxa xusid mudan in wasiir Cukuse markii horeba la safnaa garabka isbahaysiga KULMIYE kana mid ahaa wasiiradii la fikirka ahaa xubnahan iska casilay xukumadda.

Halkan hoose ka daawo sawirada

12

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews