berberatoday.com
Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Xukumada Ku Dhaliilay Qaabka Ay Uwaajahaday Abaaraha Dalka Ka Jira
April 2, 2016 - Written by Berbera Today
Abaartu Isbarbaryaac Uma Baahnna,Dhibaato Haday Timaado Midnimo iyo isku Duubni Ayaa Lagaga Baxaa Ee Tafaraaruq Lagagama Baxo” Xirsi ali Xaaji Xasan.
 xirsi1
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan kana mida xubnaha ugu miisaanka Culus garabka Isbahaysiga, Dimuqraadiyaddoonka ee Xisbiga KULMIYE,  ayaa markii ugu horaysay waxa uu ka hadlay xaaladda abaaraha ee ku dhufatay qayba badan oo kamida wadanka taas oo saamayn ku yeelatay nolosha dad iyo duunyo labadaba.
Xirsi Cali Xaji Xasan waxa uu si muruggole uga hadlay dhimashadda dadka ay galaafatay abaartu waxana uu si miisaaman u kala qaaday Xaaladda abaarta  ee dalka ka jirta  iyo sida ugu haboon ee loogu gurmankaro loona badbaadin karo dadka iyo duunyadda, Waxa uu shegay in tafaraaruq iyo is garab yaac uu ku jiro gurmadka Abaaraha loona baahanayahay in  si midaysan looga hawlgalo  iyadda oo la raacaayo nidaamka dawladnimo ee Gudida Abaaraha Somaliland.
Waxa uu bulshadda ugu baaqay in la midoobo oo gaacmaha la isu qabsado sidii lootaakulayn lahaa dadka reer guuraagga ah ee ay saamaynta togan ku yeelatay aafadda rabaaniga ah ee Abaartu, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ugu Baaqay Dawladda iyo Xisbiyadda qaranku in ay xoojiyaan labanlaabaanna gurmadka abaaraha madaama oo hakad la galiyay diwaan galintii Codbiye yaasha xaaladda qalafsan ee dalka ka jirta awgeed Mr Xirsi oo arintaasi ka hadlayaanna waxa uu yidhi ” abaaruhu waa Aafo runtii u baahan in qaab qaran lagu qaabilo loo wada gurmado loowada fayto, guntiga dhiisha la iskaga dhigo sidii aynu ugu gurmanlahayn abaaraha, Abaaruhu is barbaar yaac uma baahna qofba in uu dhinac u Cararo oo wax ula cararo uuma baahna iyadda oo gurmadka loobaahanayahay in qofkastaa wixii uu helaayo in uu bixiyo hadana waxa loobaahanayahay nidaam, waxaan ku baaqayaa abaaraha aan u gurmano marka labaadna aan marno nidaamka ka jira ee gudida Abaaraha ee heer qaran iyo heer Gobol nidaamka dawladeed ee jirana aan maro dhibaato haday timaado midnimo iyo isku duubni ayaa lagaga baxaa ee tafaraaruq lagagama baxo inaga oo mida aan ku qaabilo”
Wasiirkii hore ee Madaxatooyadda Somaliland kana mida hormuudka Garabka isbahaysiga ayaa Xukuumadda iyo Xisbiyadda qaranka ugu baaqay in ay ka qayab qaataan gurmadka mudada ay hakadka ku jirto diwaan galinta codbixiyuhu  waxanu yidhi markale ” Dawladda iyo qoladda Xisbiyadana maadaama oo loojoojiyay diwaangalintii in si iskuduuban loo qaabilo oo aanay ahaan uun waa la joojiyay ee laga shaqeeyo oo si isku duuban loogu shaqeeyo, Abaaruhu waxa ay leeyihiin afar marxaladood takoowaad waa in dadka lala gaadho gargaar deg deg ah oo la jalo qofka jiifa ee ubaahan xaalad Caafimaad oo degdeg ah uma baahna Gabdad la duldhigo oo maba qabsan karo mana karsankaro ee waxa uu u baahanayahay cunto nafaqo leh oo lagu jalo, marka labaad inta roobku da’aayo waxa uu u baahanayahay raashinkii lagu gaadhilahaa inta roobku da’aayo,  gurmad badanbaa la sameeyay runtii laakiin waxaad moodaa in lakala tafaraaruqay, waxa ay u baahanatahay in aad iyo aad loogu fiirsado Raashinka debadda uunbaad mooda in xooga la saaraye waxa jira meello badan oo gudah ah waxa la helayaa raashinkii gudaha,Hadhuudhkii, Ama arabikhidii oo ubaahan in inta laga iibsado dadka si iyagiina ay wax ugu noqoto kuwa kalena la gaadhsiiyo ,takale oo ah marka roobku da’o dadka abaarta ku caydhooba ee waxana aanay u abayn waxana u daaqayn sidii aynu wax ugu qabanlahayn, qodobka afraado ah abaarto waa aaf rabaaniye sidii aynu u toobadkeeni lahayn ee Alle ugu noqonlahayn ee Salaadii roobdoonta ee Wasiirka Diintu ku dhawaaqay aynu ugu sii celcelinlahayn ” ayuu yidhi wasiirkii hore e wasaaradda Madaxtooyadda Mud. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews