berberatoday.com
Cabdiqaadir Jirde Oo Ka Hadlay Laba Hab Oo Ay Ahayd Inay Dib U Dhigista Diiwaangelintu Ku Timaado, Balse Ay Garab Mareen Xukuumada, Xisbiyada iyo Guddiga Dooarashadu –
April 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada, ayaa ka hadlay dib u dhigista diiwaangelinta, isagoo tilmaamay in xukuumadda, asxaabta iyo guddiga doorashooyinku garab mareen laba jid oo ay dib u dhigistu ku iman lahayd.

1

Md. Jirde, oo shalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay safar ay guddiga uu ka tirsanyahay ee arrimaha gudaha, difaaca iyo nabadgelyadu ku soo mareen gobalada dalka, iyagoo dadka ka waraysanayay aragtidooda saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, waxaanu xusay in abaar ba’ani ay ka jirto bariga Sanaag.

Xildhibaan Jirde, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Annagu waxaanu ahayn guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgelyada iyo difaaca, waxaanan ku soo marnay gobalada oo dhan marka laga reebo Maroodi-jeex oo aanu bilaabayno, waxaanu soo aragnay duruuf aad u qalafsan siiba gobalada bariga oo dadkii Sanaag Bari iyaga iyo xoolahoodiiba waxay joogaan Buuhoodle dushiisa  abaar darteed.” ayuu yidhi, waxaanu isagoo ka hadlaya dib u dhigista diiwaangelinta uu yidhi “Markaas dib u dhigista diiwaangelinta waanu taageersanahay, laakiin waxay ahayd inay ku timaado laba mid. In komishanku soo jeediyaan oo asxaabtuna la qaadato oo markaas xukuumadaas ku ansixiso oo madaxweynuhu digreeto ku soo saaro iyo in madaxweynuhu iskii isagoo tixgelinaya xaaladaha adag ee jira uu ku dhawaaqo xaalad deg deg ah oo dalku galay oo markaas diiwaangelinta oo dhan la hakiyo, laakiin hadda qaabkay u dhacday gobaladii qaarna waa laga hakiyay qaarna way ka socotaa oo waa lagu qasbay inay ka socoto canaanteedana waxa leh xukuumadda, asxaabta iyo guddiga doorashada. Deegaanada weli diiwaangelintu ka socoto waxa ka mid ah  Gabiley, Baligubadle iyo Saaxil oo ay intaba abaar xumi hayso weliba ay dadkoodii dalbadeen in dib loogu dhigo diiwaangelinta. Waxa kale oo iyana xusid mudan xaaladii abaareed ee ay gobalka Awdal kaga qabsoontay oo ahayd xaalad adag.”

Cabdiqaadir Jirde, wuxuu yidhi “Waxa markaas haboon si loo saxo khaladkas ay xukuumadda, asxaabta iyo komishankuba eedeeda leeyihiin in gobaladaas lagu qasbay in diiwaangelintu ka socoto in marka la gaadho bisha May labadeeda  in goobaha xuduudaha ku teedsan loo ogolaado goobo ay iska diiwaangeliyaan dadkoodii hayaamay ee soo noqonaya marka roobku da’ao, haddii kale waxa iman karta in degmooyin kale dadkaasi u talaabaan oo diiwaangelintu ka socoto, halkaasna khilaaf beeleed ka bilaabmo.”

 

 

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews