berberatoday.com
Go’aan Xalay Ka Soo Baxay Guddida Fulinta Xisbgia KULMIYE
April 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa lagu sheegay in guddiga fulinta KULMIYE ansixiyeen go’aan uu hore guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, uga soo saaray shan xubnood oo ka tirsanaa xisbiga oo lagu eedeeyay inay wada hadalo la fureen mucaaradka.

1

Waxa kale oo la sheegay in shirkaas lagu dhagaystay eeddo uu guddoomiye Muuse Biixi u jeediyay guddoomiye-xigeenada 2aad iyo 3aad ee KULMIYE Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Talyanle. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan “

Shir ay yeesheen Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka dhacay xarunta xisbiga KULMIYE xalay oo ay bishu tahay April 2, 2016, dood iyo falanqayn kadib, Guddida Fulintu waxa uu isku raacay qodobbadda soo socda:

Waxa la ansixiyey go’aankii hore uu Guddoomiyaha xisbigu uga soo saaray shantii xubnood ee caddaynayey sababaha ay ku lumiyeen xilalkii kala duwanaa iyo xubinimadii ay ka hayeen xisbiga KULMIYE kadib markii ay wadahadal toos ah la fureen axsaabta mucaaradka ah. Xubnahaasi waxay kala yihiin:

Dr. Cabdi Aw Daahir Cali

Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Xusseen Axmed Caydiid

Faarax Cilmi Geedoole

Cali Cabdi Saa’iq

Waxa kale oo Guddoomiyaha xisbigu soo hordhigay shirka Guddida Fulinta eedayn ka dhan ah Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee xisbiga Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeye iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, isla markaana ah labaduba xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada JSL. Dacwadoodaa waxa soo darsaya xubnaha Guddida Fulinta, waxaanna loo ballamay in go’aan laga gaadho shirka dambe ee Guddida Fulintu isugu iman doonto.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews