berberatoday.com
Khilaafkii Xisbiga UCID Oo Sii Xoogaystay Iyo Mujaahid Cali Guray Oo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ugu Baaqay Inuu Is Casilo Waxba Kama Jiraana Ku Tilmaamay Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyey
April 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID mujaahid Cali Guray ayaa gudoomiye Faysal Cali Waraabe ugu baaqay inuu is casilo sidoo kalena waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray gudoomiye Faysal kuna saabsan uu xilka ka qaadis iyo xil magacaabis.

Waxaana uu u dhignaa qoraal uu Cali Guray  baahiyay sida tan

 

Ku : Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Tar: 03/4/2016

Ujeedo: Jawaab Celin

Mudane

Waxan ka helay Facebook-ga qoraal aanan hubin inu yahay been abuur iyo inu yahay rasmi oo dabayluhu sitaan laguna faafiyay warbaahinta sida aan filayo kuna saabsanayd xilal magacaabis iyo xilal qaadis aan waafaqsanayn Xeerka Xisbiga UCID.

Hadii ay jirto in aad qortay waxay iftiiminaysaa heerka aqoonta maamul iyo aqoon darrada kaa haysa dhinaca Xeerka UCID oon filayo in haba yaraato eh aanad hal qodob ka aqoonin wayoo ku xadgudubka Xeerka UCID maaha ceebtaada ee waa caadadaada. Hadii xilkii uu kuu igmaday xisbigu ugu shaqayso xisbi kale iyo musharax kale aniguna xilka aan u hayo waxan ku difaacayaa xisbigayga iyo musharixiisa madaxwanaha iyo guud ahaan danaha xisbigayga.

Si kastaba ha ahaato eh maadaama warqadani ay ka hor imanayso Xeerka Xisbiga UCID adiguna aanad ka sarayn Xeerka Xisbiga warqadan dabayluhu siteen wax ka jiraa ma jirto sababta oo ah waxa burinaya Xeerka xisbiga iyo awoodaha uu siiyay Gudoomiyaha Xisbiga

Ugu dambaystii marka aan eego hab dhaqankaaga aan waali iyo miyir qab u kala saariwaayay waxan kugula talin lahaa in aad xilka iska casisho taas ayaad xaq u leedahay UCIDna dan u ah si uu u gaadhi karo higsigiisa una beegsan karo inu noqdo xisbiga ka taliya Somaliland

Ugu dambaystii waxan mar kale kuugu celinayaa aniga oo halkii aan qoraalkaaga ka helay(Facebook) kuu soo marinaya in qoraalkaagu kaagu waxba kama jiraan yahay lana mid yahay aniga oo inta aan qoraal sameeyo idhaahda waxan xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Xisbiga UCID waxay ka duwan tahay ma jirto marka aan eego Xeerka Xisbiga

Wa Bilaahi Tawfiiq

Cali Maxamed Yussuf

Gudoomiye Xigeenka 3aad

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeeka- UCID

Ugu Danbayn xaalada xisbiga UCID ayaa maray jawaab iyo jawaab celin, khilaafkan ka dhaxeeya masuuliyiinta xisbiga UCID  ayaa isna maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaya.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews