berberatoday.com
Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil Oo Soo Qabqabtay Gaadiid Iyo Rag Ku Hawlanaa Dib Ubilawga Dhismihii Dekeda Macmalka Aheyd Ee Ceel Gardi Horena Shaqaaqadu Uga Dhalatay
April 4, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Berbera oo fulinaya amarka gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed ayaa shalay galinkii danbe kasoo qabqabtay Deegaanka Ceel Gardi koox kasoo jeeda Deeganka Bariga burco oo ku hawlanayd dib ubilawga dhismaha Dekeda macmalka aheyd ee shaqaaqada baahsani ka dhalatay horena  Xukumada Somaliland usheegtay in dhismaha dekedaasi yahay sharcidaro cid dhisi kartaana aanay jiri doonin wixii dhisme Dekedeed la xidhiidhana ay Xukumadu uun dhisi karto masuuliyadeedana Qaranku leeyahay.

Dekeda Ceel garde

 

Waxaana la sheegay inay Saldhiga dhexe ee Berbera hada ku xidhan yihiin Rag  aan tiradooda la xaqiijin inta ay yihiin iyo laba baabuur oo iskarogooyin ah iyo Hal Cagaf oo ku hawlanaa dib ubilawga dhismaha Dekedaasi macmalka ah ee dhibaatooyinka horena ka dhasheen, waxaana la sheegay soo qabashada kooxdan iyo gaadiidka ay wateen inuu siweyn uga hawl galay taliyaha Cusub ee Qeybta Booliska Berbera ninka lagu magacaabo Mursal oo dhawaan xilkaas taliyenimo loo soo magacaabay.

Ilaa hada wax wara kamay soo saarin arintan Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Taliska Booliska Berbera toona waxse la xaqiijiyay in arinkaasi jiro oo nimankaasi gaadiidkaa watay iyo kuwa dhismaha Dekedaas macmalka ah ku hawlanaaba Ku xidhan yihiin Saldhiga dhexe ee Berbera shaqadii meeshaas sida qarsoodiga ah looga bilaabi lahaana la joojiyay gabi ahaanba Ciidan Boolis iyo milatari isugu jirana Gudoomiyaha Gobolka Saaxil amaray in la geeyo giibtaas oo ay dagaan si aan dhaqdhaqaaq danbe uga soo noqonin.

Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco shabakada Wararka Ee Berberatoday.com

 

Ceel garde

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews