berberatoday.com
“Dadku Waa Isbaheysiyo Ee Haddaynu Hargeysa, Burco, Berbera Iyo Boorama Diidno Halkuu Innagu Wadaa Faysal Cali Waraabe Ciidagalaw..” Dr. Caga-weyne
April 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimihii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xooalaha Somaliland Dr. Caga-weyne, ayaa eedaymo badan u jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo diiddan Musharraxnimada Madaxweyne ee Jamaal Cali Xuseen.

Warka Dr. Caga-weyneDr. Caga-weyne oo Shalay ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Faysal Cali Waraabe uu Xisbiga UCID ka dhigtay Hay’ad Maxali ah (NGO) oo uu hadba Cidda uu doonayo kula shuraakoobo, arrintaasia Ceeb iyo Magac xumo u soo jiideyso Beesha Ciidagale ee uu ka soo jeedo, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in Beeshu Tallaabo ka qaaddo.

“Isaxaaq waynu Waynay, Sacad Muuse waynu waynay, Arab waynu waynay, Habar Yoonis waynu waynay, waxaynu dirqi ku soo helnay Samaroon iyo Ciise Muuse, Samaroon waakaa eryey (Cabdirashiid Xasan Mataan), Maanta waxa noo hadhay (Jamaal), Halkaynu ku soconaa markaa.”ayuu yidhi, Dr. Caga-weyne oo ka cadhooday Muranka ka dhex aloosan Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen, waxaanu intaa ku daray in Murannada soo noqday ee Xisbiga UCID oo eeddooda uu saaray Faysal ay Magac xumo u soo jiideyso Beeshiisa, “Maanta hadduu halkaa inala dhaafo Faysal Cali Waraabe maxaa xigi, Inanteenu way Guur beelaysaa, Magaceenuna (Wuu dhimanayaa), Waayo? Faysal wuu dhaafay Xadkii loogu talo-galay.”

Dr. Caga-weyne oo hadalkiisa sii wataa wuxuu iswaydiiyey halka uu Faysal ku socdo mar hadduu diiday Musharraxnimada Madaxweyne ee Jamaal Cali Xuseen, “Adduunku Maanta Maaha, Dadku waa Isbaheysiyo ee haddaynu Hargeysa diidno, Burco diidno, Berbera iyo Boorama diidno halkuu innagu wadaa oo aynu u soconaa?.”ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews