berberatoday.com
Faysal Cali Waraabe Oo Cay Iyo Aflagaado Kula Kacay La-taliyaha Arrimaha Dibeda Ee Musharrax Jamaal Marwo Saamiya iyo shaqsiyaad laba Gardaaq ah oo faafinta Cayda uu usoo Kireystay+Magacyada Xubnaha Basaasida la dhex jooga Xisbiga Ucid.
April 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo kaashanaya kooxo gacan-yarayaal u ah ayaa u ban-baxay inuu aflagaadeeyo Gudoomiyihii hore ee Qaaradda Yurub ee Xisbiga Ucid Marwo Saamiya Sh Cumar Sh Muuse, oo hadda ah la taliyaha Musharraxa jagada madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen. Faysal cali Waraabe ayaa Cay iyo aflagaado ku baahiyey baraha bulshaddu ku kulanto ee Facebook, isagoo usoo adeegsaday xubno degen dalka Finland, oo hadda ku magacaaban inay xilal ka hayaan xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, hase-yeeshee ka tirsan xisbiga tallada haya ee KULMIYE, isla markaana Xukuumadda madaxweyne siilaanyo ka qaata Mushaharooyin iyo lacago.

Xubnaha Falalka anshax xumada ah soo dhigaayey baraha Bulshada ayaa kala ahaa, Abdiwahab Hassan Ismail oo dhowaan Gudoomiye Faysal u magacaabay Godomiyaha Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga UCID, balse xidhiidho qarsoon la leh Xisbiga tallada haya ee Kulmiye, isagoo sida la sheegay kamid ah shaqsiyaadka huwan magaca Xisbiga ucid, hase-ahaatee xisbiga u dhex jooga Basaasida iyo dhego-dheynta dhaq-dhaqaaqyada uu sameeyo Xisbgu, Iyo sidoo kale, Godomiye Ku Xigeenka Garabka Haweenka Ee Finland Farxia Abdi oo iyaduuna ay faysal cali waraabe xidhiidh qarsoodi ah ka dhexeeyo, isla markaana iyadda lafteeda la sheegay in aanay Xisbiga Ucid daacad u ahayn,balse ay u shaqeyso Gudoomiyaha xisbiga Waddani oo ay isku reer yihiin.

Kooxdan uu soo abaabulay Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku kacay arrimo lidku ah dhaqankeena suuban ee Islaamka ah iyo sidoo kale, kan Soomaalida labada, iyagoo baraha Bulshada ee Facebook soo dhigay Cay iyo shaqsi weerar lagu bartilmaameedsanaayo Marwo Saamiya Muuse oo ah shaqsi firfircoon oo ka tirsan xisbiga Ucid, hase-yeeshee, iyaddu kasoo horjeeda ficillada aan la mahadi ee Gudoomiye Faysal cali waraabe Xisbiga Ucid ku burburinaayo, iyadoo inta badan si xor ah usoo gudbisa talooyin nasteexo ah iyo sidoo kale fikirrada khaldan ee Gudoomiyuhu xisbiga ku burburinaayo.

Geesta kale, weerarkan qaawan ee Gudoomiye Faysal ku qaaday lataliyaha arrimaha dibeda ee Musharraxa Jamaal Cali Xuseen, Marwo Saamiya muuse ayaa ka dhashay, aragti caafimaad qabta oo xalay iyo maanta ay ka dhiibatay, tallaabadii dhicisowday ee Gudoomiye Faysal Cali Waraabe sheegaya inuu xilka kaga qaadayo Gudoomiyaha saddexaad ee Xisbiga Ucid Muj. Cali Guray, tallaabadaasoo noqotay isku day dhicisoobay iyo gef uu Gudoomiye Faysal cali Waraabe ka galay Xeerka Xisbiga oo sheegaya xubnaha hoggaanka in xilka lagaga qaadi karo kalfadhiyo ay sheegan xubnaha guddida fulinta iyo sidoo kale shirweynaha golaha dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, ficillada anshax xumada ah ee Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo xubnaha laba gardaaqyada ahi, kula kaceen lataliyaha arrimaha dibeda ee musharrax Jamaal cali xuseen ayaa qayb ka ah kala qaybsanaanta xisbiga Ucid oo mudooyinkii u danbeyey u raggaadiyey khilaaf, iyo fero gelin xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ku hayo, isla markaana loo soo adeegsanaayo Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo lagu soo siiyey qandaraas lacag ah inuu Burburiyo xisbiga, isagoo cidda uu arko inay kasoo horjeedo oo ay badbaadinayso xisbigana qaarna iska odhanaaya xilka ayaan ka qaaday, halka kuwa kalena sida Marwo saamiya uu Baraha Bulshada ku caayaayo, dhaqan xumida faysal iyo shaqsiyaadkan kale ku kacayaan ayaa ah, kuwo aanay ku kicin masuuliyiin xil xisbi qaran haya iyo kuwo kale toona, waxanu Gudoomiye Faysal taarikhda ku geli doona Gudoomiyihii caadeystay Cayda Haweenka iyo arrimo kale oo taarikh xumo tilmaamaya.

 

 

Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews