berberatoday.com
Hargeysa”Ciidammada Ammaanka Somaliland Oo Meherado Kuyaala Suuq Weynaha Hargeysa Ka Ururiyay Sameecado Lagu Baahin Jiray Muxaadarooyin Uu Akhrinaayay Hogaamiyihii Alshabaab Ee Duqeynta Mareykanku Dilay Axmed Godane Iyo Dad Loo Xidhxidhay Arinkaas
April 4, 2016 - Written by Berbera Today

“Dawladdu waxay u xidhay wax sahlan maaha, Waayo? Muxaadarooyinkii Godane ayay Makarafoonada geliyeenbay yidhaahdeen Booliisku…” Guddoomiyaha Guddida Wanaag-farista – Wargeysi

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidammada Ammaanka, ayaa Suuqa Magaalada Hargeysa ka ururiyey Sameecado badan oo ku Xidhnaa meherado Gaar ah, kuwaasi oo si joogta ah Dadweynuhu uga dhageysan jireen Muxaadarooyin Diini ah oo ay jeedinayaan Culimada Waaweyn ee Soomaalida, sida Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Maxamed Cabdillaahi Umal, Sheekh Maxamed Cali Gadhle iyo kuwo kale oo badan.

Warka 1-aadSameecadahan oo qaarkood ku xidhnaayeen Agagaarka Istaammada Basaska Suuqa Badhtamaha ee u kala baxa Xaafadaha Idaacadda, Cabbaaye, Siinaay iyo weliba Xamaamyada Dadku ka Wayso-qaataan qaarkood isla-markaana loogu talo-galay in Dadku ka faa’ideystaan, ayaa Toddobaadkii hore Xilli Habeennimo ah Ciidammada Booliisku ka fureen meelihii ay ku xidhnaayeen.

Dadweynaha Magaalada Hargeysa ee Meheradaha ku haysta Meelaha Sameecadaha laga furay iyo Dadka kale ee dhageysan jiray, ayaa arrintan ka bixiyey Aragtiyo kala duwan, laakiin Wargeyska Madaxa-bannaan ee Himilo oo baadhitaan ku sameeyay Arrintan, ayaa ogaaday in Taliska Booliiska Somaliland amar ku bixiyey in Sameecadahaasi laga furfuro meelaha ay ku xidhnaayeen, ka dib markii Mid ka mid ah Sameecadaha lagu baahiyey Muxaadaro Diiniya oo uu jeedinayo Hoggaamiyihii Al-shabaab ee Maraykanku Duqeynta ku dilay Axmed Cabdi Godane, taasi oo uu kaga hadlayey Jihaadka, laakiin Ciidammada Booliisku u arkeen inay abuuri karto Mushkilad ammaan Daro, sidaasi daraadeedna la amray in gabi ahaanba Magaalada laga furfuro Sameecadahaasi.

Iid Ismaaciil Cabdi oo Maamuli jiray Saddex ka mid ah Sameecadahaasi, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay inay ku war-heleen in Xilli Habeennimo ah Ciidammada Booliisku Sameecadaha ka furfureen meelihii ay ku rakibnaayeen iyaga  oo aan la socodsiinin sababta loo furfurayo, “Sameecadaha waxaanu markii hore ka diwaangelinay Guddida Wanaag Farista, laakiin waxaanu ku war helay uun oo la nagu yidhi in Ciidammada Ammaanku saq-dhexe furayaan Sameecadaha, laakiin waxba noomay sheegin Ciidanku.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal Nuxurkeedu ahaa inay Sameecadaha ku baahiyeen Muxaadaro uu leeyahay Axmed Cabdi Godane, “Arrinkaa Wanaag-farista ayaa tidhi waanu baadheynaa.”

Guddoomiyaha Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan Reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle oo isagana uu Wargeyska Himilo waydiiyey waxa uu kala socdo Sababta loo furfuray Sameecadihii lagu baahin jiray Muxaadarooyinka Diiniga ah, ayaa sheegay inay arrintaa kala xidhiidheen Taliyaha Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan isla-markaana uu u sheegay inay u furfureen Arrimo la xidhiidha ammaanka.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan Reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan, oo Faahfaahinaya kulan uu arrintan kala yeeshay Taliyaha Booliiska, ayaa yidhi, “Guddi ahaan Waxaa noo yeedhay Taliyaha Booliiska Somaliland, wuxuu nagu yidhi Makarafoonnadiina waalla ogol yahay, laakiin Makarafoonnada kale ee Amniga khalkhal-gelinaya waanu joojinaynaa, Annaguna waxaanu ku nidhi kaaga hor-iman mayno waxa amniga khalkhal-gelinaya, markaa waxa laga yaabaa inuu Sirdoonkiisa ka helay Cid si xun u isticmaashay Makarafoonnada.”

Sheekha oo la waydiiyey inay jiraan Dad la xidhay markii la furfurayey Makarafoonnada, ayaa sheegay inuu jiro Hal Nin, “Nin ka mid ah (Dadka Makarafoonnada Suuqa ku xidhay) ayaa Cajalad aan loo baahnayn oo Fawdo ah geliyey, Ninkiina waxa la noo sheegay in la soo qabtay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo ku Taliyey in Culimadu Taliyaha ka codsato in la fasaxo Makarafoonnada, Maaddaama oo Dadku ka faa’ideystaan, “Dadka kedis ayay ku noqotay, markaa waxaan leeyahay Culimada iyo Dadka kale ee Magaaladu ha u tagaan Taliyaha Booliiska oo haku yidhaahdaan haddii Nin keliya uu Qaldamay kuwa kale noo fasaxa, Waayo? Muxaadarooyinka ka bixi jiray Makarafoonnada Dadku faa’iido ayay ku qabeen, Amaankana way ka qayb-qaadanayeen.”

Sheekha oo la waydiiyey waxa uu u maleynayo in Booliisku u cuskaday Makarafoonnada uu Magaalada ka Ururriyey iyo waxa ka jira in lagu baahiyey Muxaadaro uu leeyahay Hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa ku jawaabay, “Dawladdu waxay u xidhay wax sahlan maaha, Waayo? Muxaadarooyinkii Godane ayay Makaroonnada geliyeenbay yidhaahdeen (Booliisku), laakiin anigu ma dhageysan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Ninka la xidhay uu Booliisku u sheegay in Makarafoonnada Guddida Wanaag-faristu Maamushu la garanayo, laakiin aan isaga la garanayn waxa uu ka shaqeeyo, “Ninkaas markii la qabtay wuxuu ku yidhi Booliiska Aniga (Maxaa la ii xidhayaa) sowta Makarafoonnada Guddida Wanaag-faristuba jiraan, laakiin waxa lagu yidhi Guddida Wanaag-faristu waxay ka shaqeyso waa la garanayaa. Laakiin Adiga laguma garanayo.”

 

 

 

Xigasho Wargeyska Himilomadia

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews