berberatoday.com
Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Guddiga Ictiraaf Raadinta Madaxweynuhu Magacaabay, Madaxweynenimada Iyo Xisbi Xaakimka
April 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Ismaaciil Buubaa ayaa waraysi uu siiyay telefishanka Bulsho kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin, guddiga ictiraaf raadinta ee madaxweynuhu magacaabay, sida ictiraaf lagu heli karo, siday danta soomaaliya iyo Somaliland ku jirto iyo qodobo kale.

Ismaaciil Buubaa su,aalihii lagu waydiiyay waraysigaa waxa ka mid ahaa mid la xidhiidhay bal inay jirto wax raaligelin ah oo uu ka bixinayo intii uu ku hawlanaa hawlgaladii siyaasadeed ee uu u arkayay danta isku haynta soomaaliya, isagoo arrintaa sharaxaad ka bixinayana wuxuu yidhi;

“Maya, siddeedaba fikirka siyaasigu raaligelin ma laha, ku dhicis buu leeyahay. Shalay waxaanu arkaynay in labadii qaybood ee lixdankii isu tegay inay is kaashadaan oo dhibaatada taagan ay hab federaal ah laakiin kala duwan oo laba ah ay wax wada qabsadaan, arrintii halkay maanta taagan tahay waxa weeye, koonfurtu siday ugu dhaqmayso habka federaalka ah ma noqonayo mid u cuntamaya Somaliland, sidaa awgeed waa in la hellaa xal kale oo soomaalidu iskaga raali yihiin, dantooduna ay ku salaysan tahay. Sidaa aawadeed ayaa shalayna dan ahaan ay noola ahayd  in hab federaal ah ay woqooyi iyo koonfur wada yeeshaan, maantana waxaanu u aragnaa dan soomaaliyeed inay tahay,  majaraha siyaasadeed ay u socdaan koonfur iyo siday u socdaan Somaliland inay aad u kala duwan yihiin oo isu keenistoodu waqti dheer qaadanayso, sidaa aawadeed in laysku caawiyo labada qayboodba mid waliba intay gooni isu taagto, degenaansho iyo horumar mid waliba hesho iyagoo iskaashanaya.”

Ismaaciil Buubaa oo la waydiiyay inuu qaban doono xil wasiir haddii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabo wuxuu ku jawaabay; “arrintani waa iska mala awaal laakiin haddii madaxweynuhu arrintan iila yimaado si degan oo haboon ayaanu uga wada hadli doonaa oo aanu u wada eegi doonnaa, wixii danta umaddu ku jirtana isula qaadan doonaa.”

Ismaaciil Buubaa oo wax laga waydiiyay gudiga ictiraaf raadinta ee madaxweynuhu magacaabay, wuxuu sheegay in aanuu u malaynaynin in guddigaasi wax badan soo kordhinayo, waxaanuu tilmaamay inay la tahay hab dhaqameedka siyaasadeed ee guddigu ka duulaysaa inuu yahay mid u haysta ictiraafka mid meel oo laga soo qaadayo. Wuxuu intaa ku daray in sida dawladnimada dhidibka loogu aasay loo baahan yahay in taariikhda somalilandna in dhidibada loo aaso, in aanay ahayn mid bilaabatay 18.may.1991 ee ay tahay mid ka fac wayn ciddi ay isku darsadeena ay tahay soomaaliya, maanatana loo baahn yahay labadaba in dantoodu ku jirto inay si wanaagsan isu ictiraafaan. Buubaa oo arrintaa ka sii hadlayana wuxuu yidhi;“Markaa anigu waxaan culayska saari lahaa madax dhaqameedka Somaliland inay doorkooda ciyaaraan, fanaaniinta somaliland inay doorkooda ciyaaraan, axsaabta siyaasadu inay doorkooda ciyaaraan, in la muujiyo dhaqan siyaasadeed oo ku salaysan dadweynaha oo ka shaqaynaya in ictiraafka dadkii aynu shalay isku darsanay ee walaaladeen ahaa, maantana aynu soomaali isku nahay oo walaalo nahay, labadaba  danteenu inay tahay wixii isu tegay, maanta la kala tago laakiin kala tagaasi danta soomaaliyeed weligeed lagu kala tegi maayo oo koonfurina way ii baahntay, aniguna waan u baahanahay, waxaanan hubaa in laysla  fahmi karo oo dadweyne badan, siaasiyiin badan iyo fanaaniin badan oo soomaaliya ka soo jeedaa inay ku taageeri karaan Somaliland inay gooni isu taagto, dadka Somaliland joogaana madax dhaqameed ha noqdaan ama fanaaniin ha noqdaane inay ka shaqeeyaan soomaaliya dhibaatada haysata inay ka baxdo oo dibu heshiisiin u sameeyaan, siyaalo fara badan baa laysu caawin karaa. Markaaa guddigu hadduu yahay mid hawlahaa dhexgelayana inuu midho dhalin karo, hadduu yahay mid sidii hore oo kale u haysta dibaddoo la tago in ictiraaf laga soo qaadayana waxay ila tahay waqti lumis.”

Ismaaciil Buubaa wuxuu dhaliilay qaabka ay Somaliland u isticmaalayso axsaabta, isla markaana wuxuu xusay in xisbiyadu siman yihiin ayna khalad tahay in la isticmaalo erayga xisbi xaakim. Isagoo arrintaa ka sii hadlayana wuxuu yidhi; “ Madaxweynaha maraykan inkastoo uu xisbiga dimoqraadiga ka soo baxay haddana lama yidhaahdo xisbiga dimoqraadigu waa xisbi xaakim, waayo madaxweynaha dadkoo dhan baa soo doortay, kolkaa hab dhaqanka noocaas ahi wuxuu u baahan yahay in wax laga bedelo oo baarlamaankku ka soo saaro qaanuun oo uu kala sooco axsaabta iyo madaxtooyada. Axsaabtu way siman yihiin, xisbiga madaxweynuhu wuxuu ka mid ahaa intaan loo dooran madaxweynaha, xisbigii inuu yidhaahdo waxaan ku tagri falayaa hantidii umadda waayo anigaa xisbi xaakim ah, wax allaale wuxuu kaga duwan yahay habkii shuuciga ahaa ma jiro, madaxweynuhu kamuu iman xisbi ee wuxuu ka yimi dadkoo dhan, markaa waa in la kala xadeeyo madaxweynenimada iyo axsaabta, sababtoo ah madaxweynuhu wuxuu u dhexeeyaa dadka oo dhan ee xisbi gaar ah kama soo jeedo, waayo dadka doortaa maaha xisbi keliya.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews