berberatoday.com
“Xisbiga Ucid Iyo Saldanada Subeer Awalba Waxa Lagaga Soo Duulay Guri Keliya….”Mujaahid Cali Guray
April 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha saddexaad ee xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray), ayaa sheegay in xisbiga Ucid iyo Saldanada Subeer awal lagaga soo duulay guri kaliya, isla markaana wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadistii Gudoomiye Faysal ku sameeyay xubno ka mid ah Xisbiga Ucid.

Qoraal uu soo dhigay Bogga uu Ku leeyay Facebook-ga ayaa u dhigaa sidan.

“Gudoomiyaha UCID Ilaahay caafimaad ha siiyo wuu xanuunsanaya, waayo ficilka iyo hadalkiisa midna uma iska wax ka suurtoobi kara qof xiskiisu dhan yahay. Hadii ay run tahay in kiniin joogto ah uu qaadan jiray malaha wuu ka go’ay, marka loo keeno wuu ladnaan doonaa.

Arrinta UCID maaha arrin shaqsi iyo wax xalku noqon karo xil magacaabis iyo xil ka qaadis. Qandaraaska la soo siiyay waa burburinta UCID waana halkii laga soo maleegay shirqoolkii la isku dayay in lagu burburiyo Saldanadda Subeer Awal. UCID iyo Saldanada Subeer Awal guri keliya ayaa lagaga soo duulay waanu fashilmayaa shilayaa hadii Alleh yidhaa sidii uu u fashilay shirqoolkii Saldanadda Subayr Awal. Markaa Faysal waa la isticmaalayaa xaaladda uu ku sugan yahay ee caafimaadna way kaga faa’iidaysanayaan. Markaa anigu xal uma arko in lala tirsado balse waxan u arkaa in sharciga la adeegsado.

Aniga hadii uu jiroba xil uu ii magacaabay wuu iga qaadi karaa raalina waan ku ahay, laakiin waxan cadaynayaa in aanu jirin habayartee xil uu gudoomiyuhu ii magacaabay oo aan u hayo Xisbiga UCID. Xilka aan u hayo xisbiga waxa la iigu doortay Kalfhadhigii 5aad ee Golaha Dhexe oo cod buuxa ku ansixiyay sida ku cad go’aamadii ka soo baxay Kalfadhigaasi isaguna xaq uma laha inuu iga qaadi karo, hadiise uu ka ansixiyo Golaha Dhexe waa sax waanan u hogaasami doonaa.

Ugu dambaystii Faysal xalka dhibaatada UCID qayb kama noqon karo waayo isaga ayaaba dhibaatada lafteeda ah dhibaato kale oo UCID haysta oon isaga ahaynina ma jirto. Markaa dagaalka siyaasiga ah ee UCID waa ” winner takes all” waa in UCID la waayo iyo in Faysal la waayo wax ka dhexeeya oo kale anigu ma garanayo. Markaa aan sugno dhamaadka. Hadii ay ta xunba noqoto oo UCID la waayo anigu waxaan noqon doonaa qofka ugu khasaaraha yar waayo dan shakhsi ah oon waayayaa ma jirto balse waxan la qaybsan doona khasaaraha UCID intii xisbiga ah oo dhan. Kuwii iiga badsaday UCID hawlihiisa ee 14ka sanadood ku xoog iyo xiniinyo beelayna waan ka tacsiyayn doonaa. Kolkaa xil waxba ma sheegayo eh waxan bahwaynta UCID ugu baaqayaa inay u midoobaan badbaadinta xisbigooda qaaliga ah si ay u gaadhi karaan higsigoodii UCIDna ugu simaan in uu noqdo xisbul xaakim.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews