berberatoday.com
Aqoon yahan Jamaal Cali xuseen waxaan leeyahay sammir ku noollow
April 5, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Aqoon yahan Jamaal cali xuseen waa musharaxa kaliya ee maanta xoogiisa iyo maskaxdiisuba is haystaan , da ahaan yar, aqoon ahaan dhisan , se dhibaatada haysataa ay noqotay laf dhuun gashay, sidaa daraadeed waxaan leeyahay Jamaal cali xuseen Saaxiib waad guulaysan mar une samir ku noolow.
Waxaan kaa hayay maah-maahdii ahayd
Where there is no news is good news , oo macnaheedu yahay “meesha aanu warba ka jirin waa war wanaagsan”
sidaa awgeed maanta xisbigiina xaaladiisu ma fiicna , warka ka soo baxayaana maaha war wanaagsan , waxa xisbiga ucid ka dhacaya maaha wax qaran ahaan qurxoon, busho ahaana inay ka naxdo mooyee kuma farxayso ,waayo bulshadu markasta waa is badal doon, waxay jecel yihiin kay haystaan mid ka sii wanaagsan, runtii jamaalow haddii la nool yahay waad guulaysan , se waxa kula gudboon samir iyo dadaal, karti iyo astaamihii lagu yaqaanay hogaamiyaha saxda ah, marka la arko samirkaaga iyo dadaalkaaga, waxa iman doonta maalin la odhan doono waa maalintii Jamaal iyo guusha.
Faysal cali waraabe iyo cali gurayna waxaan leeyahay dad idinkaa iskugu jeclaa, iskuguna dhawaa se is cafiya oo magaca xisbiga ilaaliya, faysal cali waraabe marka dhinac laga eego waa siyaasi taariikh dheer ku leh somaliland marka dhinac laga eegana waxaad odhanaysaa odayga ma da,a baa haysa , si kasta wuu u hadlaa , wado kasta wuu qaadaa , mustaqbal kama fikiro, siyaasadiisu waa mid aan lahayn wado la raaco iyo wado lagu guulaysto toona runtii anigu lexejeclo ahaan waxaan odhan lahaa xisbiga ha ku wareejiyo Jamaal Cali xuseen isaguna ha noqdo oday dhaqameed ka shaqeeya citiraaf raadinta si mustaqbalka taalo siyaasadeed loogu dhiso waa haddii uu qaado talaabo geesinimo , oo uu xisbiga faraha kala baxo, xalka xisbiga iyo guusha xisbiguba waxay ku xidhan tahay faysal oo dibada ka istaaga.
Sidoo kale waxaan bulshada u soo jeedinayaa in la dhex-dhexaadiyo dhamaan xisbiga ucid iyo saraakiisha isku haysta , sidoo kale waxaan gudoomiye faysal iyo xubnaha xisbigaba u soo jeedinayaa inay markasta raacaan sharciga /xeerarka iyo nidaamka xisbiga u dajisan.

Waad mahadsan tihiin haddii ciddi dhibsatay maqaalkaygan waan ka raali galinayaa waxaan ka hadlayaa aragtidayda aan ka qabo is qabsiga madaxda xisbiga UCID.

Contact
Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)
Mobile: 063-4400319
Email: farxaanmxd@gmail.com
Social Activists’
Free Journalism/Political analyst
Post number RP 184 Article
Berbera

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews