berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Madaxwayne Siilaanyo Iyo Waftigii Uu Hoggaaminayay Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Awdal
April 5, 2016 - Written by Berbera Today

Boorama(Berberatoday.com)-Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo Madaxweynuhu ayaa subaxnimadii hore u ambabaxay gobolada galbeedka, safarkaas oo ujeedadiisu ahayd sidii madaxweynuhu shacbiga ay saamaysay abaarta liciifisay dadkii reer guuraaga ahaa ama xoolo dhaqatada ahaa ee deegaamadaa galbeedka.

m1(74).jpg

socodkii uu madaxweynuhu kaga baxay Hargeysa ayaa ahaa mid ku jihaysnaa degmada qolujeed oo iyagu ahayd goob muhiima oo laysugu soo ururiyer dadkii ay abaartu ragaadisay, isagoo madaxweynuhu shacbigii ku sugnaa tuulooyinka, degmooyinka

 

iyo magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama, salaan gacan taag ah u fidiyey bulsho tiro badan oo madaxweynaha la dareen ahaa una muujiyey taageero iyo niyad wanaag ay la garab taagan yihiin dedaalka madaxweynaha ee dhinaca abaaraha, markii ay arkeen in madaxweynuhu ka damqaday shacbiga abaartu saamaysay, kana qaatay go’aamo taariikhi ah oo qaranka dhaxalgal u noqday uu ku dhawaaqay, waxaanu madaxweynuhu intii uu safarka ku guda jiray u degay madaxdhaqameedka deegaamada uu maraayey oo madaxweynaha isu taagay laamiga dhiniciisa, si ay ugu hambalyeeyaan socdaalkiisa iyo inuu la soo arko xaalada guud ee dalku halkay marayso marka loo eego dadka ay abaartu taabatay.

Madaxweynaha iyo weftigiisuna waxay u sii gudbeen goobaha lagu ururiyey qoysaskii ay saamaysay abaartu kuna caydhoobay, kuwaas oo hadda qaybo ka midi ku sugan yihiin degmada qolujeed, madaxweynuhu markii uu halkaa gaadhayna waxa si balaadhan u soo dhaweeyey dadweynaha deegaanka ku dhaqan oo madaxweynaha iyo weftigiisa u muujiyey dareen waddaninimo iyagoo ka markhaati kacay xaalada adag ee ay ku sugan yihiin dadkaa abaartu waxyeelaysay ee lagu soo daad gureeyey xeryahaas.

isagoo madaxweynuhuna dadkii ku sugnaa xeryahaasi kormeeray kana dhegaystay warbiximo la xidhiidha sida ay abaartu u taabatay, waxaanu madaxweynuhu u kuurgalay indhahana ka soo qaaday xaalada dadkaas, Alle na waxa uu uga baryey inuu u gargaaro raxmad khayrqabtana u shubo, waxaanu madaxweynuhu halkaas gaadhsiyey raashin kala duwan oo loo qaybiyey guud ahaan deegaamada ay abaartu saamaysay, balse uu goobjoog ka ahaa madaxweynuhu dadkii loogu qaybiyey qolujeed raashinka oo dhammaa lix boqol oo qoys in ka badan.

dadkaa tabaalaysan ee madaxweynuhu booqday ayaa dareenkooda muujiyey ugana mahadnaqay madaxweynaha dedaalka  uu la barbartaagan yahay iyo socdaalka uu ugu yimid oo ay sheegen inay u tahay dhiirigelin, maantana ay dareemayaan farxad madaama oo madaxweynihii dalku la joogo.

waxaana halkaa ka hadlay ugaaska guud ee beelaha samaroon, Sulaadiin, Wasiiro iyo Gudoomiyaha gobolka Awdal oo dhamaantood ku nuux-nuuxsaday xaalada abaaraha iyo dedaalka madaxweynuhu ka geystay xaaladaas.

ka dib weftigii madaxweynuhu hogaaninaayey waxay u soo kicitimeen magaalada boorama oo ay caawa ku sugnaan doonaan.

Waxaana Xusid mudan in markii madaxweynuhu soo gaadhay magaalada Boorama ay halkaasi ka curteen roobab badiba ka da’a ay nawaaxiga boorama ilaa hargeysa.

m2(72).jpgm3(60).jpgm4(59).jpgm5(46).jpgm6(43).jpgm7(30).jpgm8(25).jpgm9(23).jpgm10(24).jpg

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews