berberatoday.com
DHIBAATOOYINKA QAADKA: QORMO KU QOTONTA DHIBAATOOYINKA AAFADA QAADKU KU HAYO BULSHADA SOOMAALIDA
April 5, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

 Qaadku wuxuu saamayn iyo dhib balaadhanba  ku yeeshaa dhamaan qaybahaas aan kor ku soo xusay isagoo ku kala horaynaya ,  tusaale ahaan marka aad qaad soo iibsatid ee aad fadhiisatid wuxuu markiiba dilay wakhtigii aad ku shaqaysan lahayd, kuna shaqaysan lahayd camal wanaagsan iyo camal nololeed.

wakhtiga ka dibna wuxuu wuxuu ku ilawsiinayaa ama uu dib u ridayaaa salaadii, salaada ka dibna dhaqaalaahagii wuu yaraynayaa si uu u yareeyaba ama jeebkaaga wuu madhnaysiinayaa, sharaftaada ayuu dilayaa kaba soo qaad adoo qaad amaahday ama qaad laguu qaaday, sidoo kale shaqadaada ayuu sagsaag galinayaa oo laga yaabaa in lagaa joojiyo shaqada markuu habsankaagu bato,  marka lagu arko inaad qaad cunkaagu badan yahay waxa hoos u dhacaya magacaaga iyo barashada bulshada aad baran lahayd, maxaa yeelay markasta oo aad meel  maqaan ah fadhidaa waa markasta ood qof aad baran lahayd waydid, dabeecadaadii qaadku wuu badalayaa maxaa yeelay xalay oo dhan markaad qaad cunaysid subixiina aad kacdid waxa badalmaya dabeecadii aad lahayd iyo adkaysigii aad lahaydba adoo noqonaya bilaa samir, sidoo kale qaadku wuxuu hoos u dhigayaa maskaxdaada maxaa yeelay wuxuu ku ridayaa fikir iyo jahawareer joogtaa sidoo kale khiyaali nololeed oo ah inta aad afka ku haysid,  sidoo kale waxa suuro gal ah in marka u dambaysa uu samayn ku yeesho caafimaadkaaga maxaa yeelay marka aad in badan meel fadhidid oo dhidid, oo kici waydid, cuntid , cabtid, inaad qaado xanuuno kala duwan sida macaanka, tiibayda, iyo lugo xanuunka iyo qaar kaloo badan.

Cunista qaadka saadaashiisu waa nolol if iyo aakhiraba daran.

Bulshadii somaliyeed laba ayaa maanta cuduro waawayn ku ah sida Qaadka iyo Qabyaalada waana laba aynu gacanteena ku samayno sidaa daraadeed.

Taariikhaha ka waramaya Qaadka waxaa ka mid ah shiikh mahadhabak  oo ahaa shaaficiyada macruufkaa   (Axmed ibnu maxamed ibnul Xajar al haydami ) wuxuu leeyahay Abuu Bakar baa wuxuu ii soo sheegay in qaadku dadka ka murqaamiyo markay cunaan oo uu soo xasuusiyo wax yaabo ay waa hore ilaabeen marka uu mirqaanku ka baxana  uu qofkii walac iyo war war la soo dersayo waxa kale oo uu qaadku sameeyaa buu yiri in manida raga in ay soo raacdo kaadida Abuu Bakar baa sidaa ku soo yiri , culima badan waxay isku raaceen in qaadku yahay Xaraan.

waxaan kula talin lahaa qof kasta oo cuna qaadka ama caba sigaarka  inuu maanta ama wakhtigan uu akhrinayo qormadan uu dar ilaahay faraha kala baxo joojiyo, Haddii uu rabo intaas  aan kor ku soo sheegay wanaagooda sida wakhti wanaagsan, camal wanaagsan, salaad wanaagsan caafimaad wanaagsan, sharaf, dadnimo, bulsho , shaqo wanaagsan, awood shaqsiyadeed iyo magacba.

Sidoo kale qofkasta inuu qabyaalad diid noqdo ayaan kula talin lahaa. Lana shaqeeyo qaranka caawiyo shacabkiisa baahan meelkasta oo ay joogaan.

qaadka

Contact

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Mobile: 063-4400319

Email: farxaanmxd@gmail.com

Social Activists’

Free Journalism/Political analyst

Post number RP 183 Article

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews