berberatoday.com
“..Faysal Markuu Leeyahay Waxan Eryay Gudoomiye Kuxigeenkii Saddexaad Horta Ma Uleeyahay Awood Mise Tukaan Ayuu Udhiibtay”Xoghayaha Xuquqal insanka Ucid Xuseen Xasan Badmaax
April 5, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Faysal waa keligii ucid,keligii aqoonyahan,keligii siyaasi,awoodaha xisbiguna waa ku keli.Waxa uu ku xad-gudbay dhamaan hay’adaha xisbigu ka kooban-yahay.Waxa kale uu ku xad-gudbay xeerka xisbiyada ee xeer No.14. Hadana wuu isla toosanyahay,cidii ku tidhaa faysalow waad qaldantahayna sifo sharci baal marsan ayuu ku eryaa.Gudoomiye Faysal xisbiga ucid waxa uu rumaysanyahay inuu isagu leeyahay,waxaad moodaa inuu dhaxal u helay.
Hadaan bidhaamiyo qodobo ka mid ah xeerka xusbiga oo faysal jebiyo mar kasta waxa ka mid ah: Qodobka 9aad Dhismaha Xisbiga:
1.Shirweynaha xisbiga
2.Golaha dhexe
3.Gudida fulinta
4.Gudida gobolada
5.Gudiyada degmooyinka iyo tuulooyinka. Waaxyahaasi siday u kala horeeyaan ayay awooduna u kala saraysaa balse faysal isagaa intaba ka sareeya sida uu u qabo.
Faysal markuu leeyahay waxan eryay gudoomiye kuxigeenkii saddexaad horta ma u leeyahay awood mise tukaan ayuu u dhiibtay,xeerka xisbiga ayay ku caddahay buuxinta xubin ka banaanaatay hogaanka sare waxa soo jeedinaaya xubnaha hogaanka sare waxaana ansaxinaaya golaha dhexe inta 2da shirweyne u dhaxaysa.Faysal cid kalama tashado waxa uu ku dhaqaaqayo.Waayo awoodu isaga ayay ka bilaabantaa isagaanay ku dhamaataa siduu u qabo.Xataa gudida fulinta isaga ayaa iska magacawda,waxaana xeerka ku cad: Qodobka 16aad firqadiisa 1aad golahaa dhexe waxay iska dhex dooranayaan Gudida fulinta marka laga reebo gudoomiyaha xisbiga,ku-xigeenada,xoghaya guud iyo kuxigeenkiisa ee xisbiga.
Qodobkan waxaynu aragnaa inaanu faysal xataa gudida fulinta magacaabi Karin eryina Karin balse faysal xisbigu waa isaga uun sida uu qabo.Xeer iyo wada tashi midna kuma dhaqmo.Taasina waxay ka marag kacaysaa inuu yahay keli-taliye. Maanta se waxa awooda xisbiga la wareegaya golaha dhexe oo xeerku siiyay inuu hubiyo siyaasada xisbiga lagu hagayo.
Waxan leeyahay faysal waa inuu xeerka xisbiga u hogaansamo,lagana yeeli maayo inuu kulmiye u ololeeyo,musharaxa xisbigana waxa ansaxiyay golaha dhexe maaha arrin u taala faysal.Waxa uu faysal ku andacoodaa urur ayaanu ahayn! Waa wax lagu qoslo hadii faysal aanu fahmi Karin xeerka xisbigiisa iyo xeerka No.14 ee qaranka.waxa labadaba ku cad inay tartamayaan xisbiyada qaranka ee jira iyo ururada siyaasada. Labada xisbi qaran liisanka waa loo jadiidiyay markay soo baxeen laakiin xisbiga kale ee ku soo biiray liisan cusub ayaa la siiyay. Tani maaha wax muran ku jiro ee Faysal ayaa damac waalan looga soo xambaariyay Jabuuri,ina aw saciid iyo kulmiye. Waxan ku soo afjarayaa Faysal xisbigii ucid cunaha ayuu iskaga maray balse xeerka ayaa ka furfuri doona.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews