berberatoday.com
Hayska tuurin gebi iyo jar dheer, waad ku go’aysaaye: Gabay Ku Socda Engineer Faysal Cali-Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga ucid. Abwaan, siciid maxamuud gahayr
April 5, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
 

Hayska tuurin gebi iyo jar dheer, waad ku go’aysaaye: Gabay Ku Socda Engineer Faysal Cali-Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID.. Dulucdiisa dhuuxa oo bal gaadhsiiya odaygiina…

Hayska tuurin gebi iyo jar dheer, waad ku go’aysaaye: Gabay Ku Socda Engineer Faysal Cali-Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID.. Dulucdiisa dhuuxa oo bal gaadhsiiya odaygiina…
Dhaaxaan sidii guurtiyeed, gaar wax kuu idhiye
Mar haddii gaddaa aad tihiyo, dhalanku guuraynnin
Waanadu dhegtii aanay gelin, guul-darraa heliye
Gabban maayo maantee bulshadu, way gar-naqaysaaye
Inkastoonad gabayaa ahayn, curiya geeraarka
Qof uun baa wixii kaa gedmada, kuu galgaal-bixine
Bal guddoon adaan Faysalow, kuu gol leeyahaye
Inagoo gawaan iyo fadhina, goobti laga yaacay
Inagoo gujiyo ciil qabnoo, ginina aan haynnin
Golihii WADDANI maalintii, uunku wada gaadhay
Oo gaag yar mooyee khalqigu, geesta kale aaday
Gurmadbaa rugtii UDUB ka yimi, geesi loo qiraye
La’aantood libtaan gaadhnay iyo, gool ma dhalan layne
Gurgurshii ku qaadaad haddeer, gawrac leedahaye
Garabkaaga nimankii ahaa, eedda may geyine
Gacallow waxay mudan yihiin, gool in loo qalo’e
Gargaar bay ahaayeen u kacay, geeshkan reer UCIDE
Naf-hurkuu Jamaal geystay baan, goorna lumahayne
Waa tuu galbeedkana Rashiid, geeyay heegada’e
Cali-gurey xilkiisii gutaan, cidi giriifteene
Guunyiyo adduun bay hureen, gaadha maal badane
Ilamaa Gar-adag bay socdeen, goobta Sool tahaye
Golis iyo dhulkaa Saaxil bay, orod gucleeyeene
Goonyaha Togdheer bay mareen, geylan dirikiiye
Guuraha illaa Awdal baan, gooshnay socodkiiye
Geyigaa Sanaag bay mareen, galab carrabgiiye
Adiguna guddoonshow markaad, guul-darrada tiicday
Sidii qaaje orod-gaabiyaad, joogtay gurigiiye
Gaaroodi maad dhaafin iyo, goonyahaa Herere
Gudintaadu waxay saaran tahay, geed-sankii baxaye
Inta aad galoolkaa jartaad, beeraysaa gumare
Gedgaddoonku waa ku riday, goorihii hore’e
Geeddiga in hore loo wadaa, guudha dhalin-layde
Gadaal-socod adeerow ha noqon, gaaggax yuu imane
Ganddihiyo haddii aanad maqal, guurti lagu reeyo
Gobannimada waad daadisiyo, gaawe sharafeede
Garashadu kaskaagiyo ma aha, geed-ismariskaaye
Garaadkaygii weedhii qaldani, waanay gelahayne
Gole dhexena waad baal-martee, gooyay xaajada’e
Gurrac baad u socotaa muddana, gooni-daaqnimo’e
Hayska tuurin gebi iyo jardheer, waad ku go’aysaaye
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews