berberatoday.com
Sidee Loo Dooran Karaa Ninkii Magiciisa Labada Cisho Ku Bedelay Ee La Baxay (Muniir ) Magiciisi Hore (Maxamed )
April 5, 2016 - Written by Berbera Today

Maqaalkaygan Waxaan Ku Eegi Lahaa ku kalsoonaanta musharax la sheegay inuu kazoo jeedo beesha axmed faarax (Harbarjeclo) anigoo ka mid ah kana soo jeeda beesha ahmed faarax waxaan si wayn uga biyo diiday musharaxnimada ninka lagu magacaabo Muniir Ahmed Cigaal oo ka tirsan shaqaalaha dawlada gaar ahaana warfaafinta Somaliland Waxaanan igu kaliftay inaan qalinka qaato dhaliilaha muuqda ee muniir ahmed cigaal hadaba waa kuma muniir ahmed cigaal? Muniir ahmed Cigaal waxaa ku dhashay bariga Burco waxaa dhalay ahmed cigaal oo kamid ah odayaasha Abokor ahmed ee reer burco waxaa muniir kusoo barbaaray magalada burco waxaanu usoo dhaafay sanadkii 2006 -2007 berbera iyo Hargaysa waxaa ka shaqaynayey 2007 huteelka barwaaqo ee magaalada hargaysa mudo markii ahalkaasi mudalab (waiter ) uu ka ahaa waxaa nasiibku siiyey islaan huteelka kusoo degtay oo halkaasi ay isku barteen kadibna uu usoo bandhigay inay dhoofiso madaama ay qurba joog ahayd Way suuragashay waanu dhoofay Isagoo lagu magacaabo Maxamed intaasi kadib maxamed markii tagay qurbaha waxaa noqday nin miiyi ka yimi oo caalam soo galay madaama aanu lahayn aqoon diineed iyo mid maadi toona taasina waxay keentay inuu bartay dhalinyaro magacyada iska bedeshay oo kuwo cusub la baxday halkii buu soo booday Ninkii Muxamed ahaa oo yidhi ana waa inaan iska bedelaa magaca waxaanu la baxay magaca (Muniir ) ee can baxay taasina waxay yaab is fajac ku noqotay dadkii ay qaraabada ahaayeen ee waalidiintiisu uhoraysay Hadaba hadii aan halkaasi muniir kaga yimaado waxaa usheegaya beeshayda ahmed Faarax Sidee baynu ugu kalsoonaan karnaa ninkii magaciisa ku kalsoonaan waayey oo aynu uga dhignaa musharax baarlam oo waliba ka sharaxan Berbera anigu waxaan odhan lahaa haloo meel dayo musharaxnimada ahmed faarax Waxaa kale oo intaasi ku dari lahaa waxaa kamid yahay Muniir shakhsiyaadka faro ku taliska ah ee uu isticmaali jiray Wasiirkii Hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xasan kaasi oo ku khasbay wasiirka warfaafinta dabayaaqdii sanadkii2011kii inuu ka mid noqdo shaqaalaha Igman ee wasaarada ujooga wasiir xirsi inuu basaaso madaxda shaqaalaha warfaafinta taasina ay keentay inuu wasaarada ka noqdo tuko baal cad oo laga xil qarsado ama laga aamuso markuu soo galo wasaarada warfaafinta Kadib markii wasiir xirsi xilka ka tagay waxaa dhacday inuu muniir niyad jabo maadama uu ahaa wasiirka kaliya ee uu awoodiisa ku joogay wasaarada warfaafinta balse aanu ku iman xirfad iyo aqoon uu uleeyaha shaqada saxaafada iyo wariyonimada balse uu yahay shakhsiyad ilaa hada xoog xoog iyo garab ku daaq ku jooga shaqada wasaarada warfaafinta Somaliland . Hada waxaan odhan lahaa side ayey beelwaynta ahmed Faarax u aamini Kartaa shakhsiyaadka u saaxiibka ah isticmaalka siyaasinta maadama uu yahay Basaas la shaqeeya siyaasinta kazoo horjeeda xukuumada Gaar ahaana garabka is bahaysiga Kulmiye waxa kale oo ka mid yahay dadka si xooga ah uga soo horjeeda Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ku jeheeyey ama ku diray wasiirkii hore madaxtooyada Somaliland oo ay siyaasad ahaan iska soo horjeedeen Maxamuud Xaashi Cabdi Lasoco Qaybaha Danbe

 

 

Mudane Khayre Jamac Burco Togdheer

Cirbixiye@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews