berberatoday.com
Wiilkii Yaraa Ee Reer Miyiga Ahaa Ee Noqday Waash Manka Jaamacada Ee Hadana Noqday Proffesorka Jaamacada Wax Ka Dhiga Iyo Qisadii Uu Ku Noqday Akhriso?
April 5, 2016 - Written by Berbera Today

Sheekadaan cajiibka ah waxay ku saabsan tahay wiil reer miyi xoolo dhaqato ah, wiilka magaciisu waa “Qariib Maxamed Raajic”.

Qariib

Wiilka waxuu dhashay sanadkii 1920-kii, wuxuuna ku dhashay tuulo aad u yar oo ka tirsan gobolka “Kordofaan” oo ku yaalo bartamaha dalka “Suudaan”

Tuulada wiilkaan uu ku dhashay waxaa u dhawaa tuulo kale oo leh dugsi lagu barto quraanka, wax akhriska iyo wax qorista laakiin wiilka aabihiis uma ogoleen inuu dugsiga geeyo si aysan xooluhu u dayacmin.

Aabihiis wuxuu dhintay isagoo jiro 9 sano, markaas ayuu fursad u helay inuu dugsiga galo, wuxuuna soo bartay wax akhrinta iyo wax qorista, laakiin dantii iyo baahida qoyska ayaa ku qasabtay inuu ku laabto xoolo raacistii, laakiin wuxuu ku hanwaynaa inuu maalin maalmaha ka mid ah uu fursad u heli doono waxbarasho, meel fiicanne uu ka gaari doono.

Markuu 17 sano jirsaday ayuu u helay fursad inuu la kulmo shiikh dadka diinta bari jiray, wuxuuna la noolaa muddo 5 sano ah wuxuuna ka bartay diinta badankeed, quraanka oo idil ayuu xifdiyay, axaadiithta badankeed iyo cilmiga fiqhiga, wuxuuna sheekha ka helay ogolaansho “ijaazo” inuu diinta wax laga waydiin karo.

Markaa kadib wuxuu noqday qof safar badan oo ganacsi iyo diin faafin iskugu jiro, markuu gaaray 28 sano wuu guursaday, wuxuuna bilaabay inuu ku shaqeesto xirfad qoraa, wuxuuna dadka u kala qori jiray heshiisyada guurka, ganacsiga iyo dhaxalka.

Waxaa dhacday sanadkii 1965-tii inuu “Qariib” awowgiis xanuunsaday oo dhakhaatiirta gobolka joogtay ku talisay in loo qaado magaalo madaxda dalka Sudan, wuxuuna awowgiis oo xanuunsan la soo galay safar tareen oo dheer, waxaana odagii xanuunsanaa la jiifiyay isbitaalka “Ummu Durmaan”.

Dhowr bil oo isbitaalka ku jireen ka dib, odagii wuu geeriyooday, waxii lacag ay wateen oo idilne way dhamaatay oo lacag uu ku laabto xitaa ma hayo, waxayne danta ku qasabtay inuu shaqo raadsado si uu u aruursado lacag uu ku safro.

Wuxuu isbitaalka agtiis ku arkay guri la dhisayo, wuxuuna ka codsaday qofkii guriga lahaa inuu dhisidda ka qeyb qaato, habeenkiine guriga u waaridyeeyo, si uu u helo cunno iyo hoy.

Muddo dhowr bilood uu waardiye ka ahaa guriga, wuxuu kala bartay magaalada, wuxuu shaqo waaridye ka helay jaamacadda “Ummu Durmaan”, wuxuu kaloo dhinac ka daganaa guryaha ardayda ay dagan yihin, cunnadane wuu u karin jiray, dharkane wuu u dhaqi jiray si uu lacag u helo.

Maadaama uu ahaa nin diinta bartay, wuxuu la saaxiibay ardayda barato maadada shariicada iyo diinta, iyagane way ka faa’idaysan jireen maadaama uu ka aqoon badnaa oo waxa ay bartaan badankeed uu horay u soo bartay.

Wiilashii ardayda mid ka mid ah ayaa kula taliyay in jaamacada uu galo si waxbarashadiisa u sii kororsado maadaam aqoontiisu ay caawin doonto.

Wuxuu “Qariib” isagoo 54 sano jir ah go’aansaday inuu jaamacada galo, imtixaan ogolaansho kadib wuxuu nasiib u yeeshay inuu arday ka noqdo jaamacadda, subaxii waxbuu baran jiray, habeenkiine waaridye ayuu ahaa.

Markii la arkay dadaalkiisa iyo sida uu waxbarashada u jecelyahay, shaqada waa loo badalay oo waxaa laga dhigay caawiyaha madaxa shaqaalaha jaamacadda sanadkii 1978-dii.

Qariib wuxuu shahaadada 1-aad ee “Bachelor-ka” ku qaatay darajo aad u sareyso, markaas ayaa sheekadiisa faaftay oo illaa madaxda dalka ay u tahniyadeeyeen.

Waxyar kadib, wuxuu qaatay shahaadada “master-ka” sanadkii 1983-dii oo sidoo kale ku qalin jabiyay darajo “Imtiyaaz”, waxaana shahaadadaan u ansixiyay wakiilka Azhar waqtigaas u fadhiyay dalka Sudan, Qariib wuxuu noqday qof aad looga yaqaano wadankiisa.

Waxyar kadib, wuxuu qaatay shahaadada “PhD”-ga, waxaana qadarta ilaahay ka mid ahaa in borafasoorada kala doodaysay baxthiga Phd-ga uu ku jiray wiilkii ardayga ahaa oo kula talin jiray inuu jaamacada soo galo!!.

“Qariib isagoo 65 sano jir ah ayuu ku biiray macallimiinta jaamacadda wax ka dhigo wuxuuna noqday bafasoorkii ugu caansanaa ee Jaamacadda Ummudurmaan wax ka dhigo, 9 sano kadib 1994-tii wuxuu gaaray da’dii hawlgabka, isagoo aad uga xun ayuu shaqada ka fadhiistay.
Jaamacadda waxay ku fakartay inay taallo u samayso Qariib si loogu xuso taariikhdiisa, laakiin wuu diiday isagoo sabab uga dhigay inay diinta ogoleyn in taallo loo sameeyo noole.!!.

“Qariib” wuxuu u laabtay tuuladiisii isagoo ah borafasoor dunida laga wada yaqaano, wuxuuna ka dhisay Iskuul casri ah, machad diinta laga barto iyo masjid wayn, wuxuuna ku laabtay noloshii xoolo-dhaqashada oo uu sheegay inuu u aad ugu xiisay.

Sanadkii 2003-dii, waxaa “Prof. Qariib” la siiyay billada dahabka ee AQOONTA oo uu markaas gudoonsiiyay madaxwaynaha dalka Sudan ee Cumar Al-bashiir, waqtigaas ayaan ogaaday sheekadiisa maadaama aan ku sugnaa magaalada Khartoum, caasimadda dalka Sudan.

Sanadkii 2007-dii waxaa kaloo la siiyay billad kale oo dahab ah, markaas oo tuuladiisa looga soo qaaday diyaarad ka mid ah kuwaan qumaatiga u kaco ee “helikobtar”-ka loo yaqaano.

Borafasoor “Qariib Maxamed Raajic” wuxuu dhintay 17-da bishii Febraayo sanadkii 2011, isagoo jira 91 sano, wuxuuna ka tagay cilmi aad u fara badan oo ku reebay labaatameeyo kitaab oo uu qoray, tixraacne illaa maanta u ah ardayda wax ka barato jaamacadaha dalka Sudan.

SAFARKII DHEERAA HALKAAS AYUU KU SOO GABAGABOOBAY, XOOLO-RAACE / WAARDIYE ILAA BORAFASOOR JAAMACADEED!!!
_______________________________________________
Akhristaha sharafta lahow, haddii aad tahay qof waxbarashada jecel, waan hubaa in ay sheekadaan kugu reebayso dareen cajiib ah, laakiin waxaan u baahanahay wixii faa’ido aad kala baxday in aad asxaabtayda la wadaagtid, mahadsanid.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews