berberatoday.com
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadlay Safar Uu Madaxwayne Siilaanyo Ku Tagay Gobolada Galbeedka Ee Abaartu Saamaysay.
April 5, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Boorama (Berberatoday.com) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeeda saraf uu Madaxweynaha Somaliland ku marayo Gobolka Awdal.

Wasiir Xaashi ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu safarkaasi ugu kuur galayo xaalada dadka reer Somaliland ee ay abaaruhu samaayeen isala markaasna uu dareen kula wadaagayo.

Mudane Maxamuud Xaashia ayaa sidoo kale shaaciyey in taakula ka timid dalka Soomaaliya ee Somaliland la soo gaadhsiiyey ay tahay mid Bini-aadanimo oo wax xidhiidh ah aan la lahayn SIyaasad, Wasiirka ayaa arimahaasi kaga hadlay goob raashin loogu qabiyey dadweyne Tabaalaysan waxana hadaladiisii ka mi dahaa “ Waxay ila tahay halkan hadalkeedu waa iska gaaban yahay oo waxa waftiga Madaxweynuhu u yimid halkan

in xaalada halkan ka jirta ay u kuur galaan, inay dadka walaalahood ah ee ay madaxda u yihiin ay la wadaagaan duruufaha qalafsan ee ay ku nool yihiin taas oo masuuliyadu ay-na farayso, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hakiyey Diiwaangalintii cod-bixiyeyaasha ee dalka ka socotay abaaraha dalka ka jira darteed. Abaarahaas oo meelaha ugu adag uu gobolkani ka mid ka yahay,  gobolka Awdal markii diiwaangalintu ka socotay xaaladii maalintaasi way ka duwanayd xaalada maanta ka jirt2a, xaaladuna way ka sii adkaatay, dadka qaar ayaa yidhaahda maxaa Awdal diiwaangalinta looga qabtay ee maalintaa loogu dhawaaqi waayey in la hakiyo, waxa la qiimeeyaa duruufaha, maantu way ka adagtahay xaaladii maalintaa, dhawr bilood ayaa laga joogaa wakhtigaas dad ma dhiman, dad meel isu yimid sida halkan oo kalena ma jirin, xaaladahaas ayaa la qiimaynayey, hadii la hakiyey imikana dhulka loo gurmanayo Awdal ayaa kow ka ah, ee loo jeedsanayo ee uu Madaxweynuhu lahaa laba gurmad isugu taag heli mayno mid diiwaangalineed iyo mid abaareed masuuliyad Madaxweynaha saaran ayey ahayd.Runtii waanu ka damqanaynaa duruufta iyo dareenka dadka ka muuqda, waxa aynu nahay Umadda iyo Qaran curdin ah oo dhaqaale guun ah aan lahayn ILAAHAY ayuunbaa ina kaafiyi kara, Madaxweynuhu amar ayuu siiyey Xukuumadda iyo dawlada in gurmad la galo sidoo kale guddi ayuu aasaasay, waxaanu u mahad naqaynaynaa guddidii xaalada abaaraha uu Madaxweynuhu u magacaabay shaqo badan ayey qabteen, rag baa nagala socda oo Sheekh Maxamed Aadan ka mid yahay. waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa guddida abaaraha ee gobolka oo iyaguna gurmad wayn sameeyey. waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa Hay’adaha caalamiga ah ee Dawladaha Muslimiinta ah ee ay ka mid yihiin kuwa Sucuudiga iyo kuwa Imaaraadka oo iyaguna mucaawimo inoo keenay. Walaalaheen Dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya oo iyaguna deeq ina siiyey iyagana waanu u mahad naqaynaa, waynu isku leenahay  Maslinimada , Walaal-nimada iyo wax badan ayaa inaga dhaxeeya, shalay markay walaaladeen dhibaataysnaayeen shacbiga Somaliland wuu u gurmaday deeq ayuu u geeyey iyaguna sidaas oo kale maanta way inoo soo gurmadeen, arrin siyaasad saamayn ku leh maaha waa arrin walaalnimo iyo bani-aadanimo xaalad saamayn ku leh, maaha wax siyaasad laga dayi karo, sidoo kalen socodka uu maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland halkan ku marayo mid taxtaxaashin iyo daasha-daashood daaran maaha laakiin waa mid uu dadkan dareen kula wadaagayo, masuuliyaduna ay farayso inuu Ishiisa ku arko.

Waxaan bulshada Somaliland ugu baaqaynaa haday tahay ganacsatada kuwii hore wax u bixyey iyagoo mahad san iyo haday tahay kuwa aan bixin, iyo haday tahay dadweynaha guud ahaan, qurbajooga iyo kuwa gudaha jooga dhamaantood waxan u soo jeedinayaa inay gurmadkaas ka qayb galaan oo aanay waxba la hadhin, Bulshada caalamka waxaanu ugu baaqayaa sidii Madaxweynuhu uu hore ugu baaqay inay xaalada Bani-aadanimo ay taageero ka fidiyaan, waxa Xukuumada ka go’an wixii aanu qaban karno in aanu qabano.

ALLAH Abaarta ha inaga jabiyo, Amiin.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews