berberatoday.com
Ged-gedoonka iyo Gabi Dhaclaynta Faysal Cali Waraabe. Q.1aad.
April 6, 2016 - Written by Berbera Today

Tan iyo Waqtigii la aasaasay Xisbiga Ucid sanadkii 2001 Waxa Guddoomiye ka ahaa Eng. Faysal Cali Waraabe, Tiraba laba jeer ayuu isu taagay Musharax Madaxweyne. Labadaas doorashaba midna kuma guulaysan oo wuxuu kala kulmay guul darooyin aad u wayn. Doorashadii Madaxtooyada ee 2003-dii Faysal Ali Waraabe wuxuu ka helay cod aad u yar oo gaadhay 15%. Doorashadii Madaxtooyada ee 2010-oo mar labaad Faysal Ali Waraabe isu soo sharaxay Madaxweynenimo wuxuu helay codkii ugu hooseeyey oo noqday 17%. Guuldarooyinkaas isdaba jooga ah ee soo gaadhay xisbiga iyo Faysal Cali Waraabe kadib, Xisbigu waxa uu galay khilaaf aad u ba’an laba garabna lakala noqday oo sababay in Maxkamad lays la tago. Taasi waxay keentay in Xisbiga intiisii badnayd ay furteen ururkii Wadani oo maanta ah Xisbi Qaran. Intii soo hadhay ucid iyo faysal cali waraabe ayaa isku soo hadhay iyagoo xaalkoodu aad u xunyahay kuna dhow in xisbigu saaxada ka baxo dhaawac badan oo kasoo gaadhay khilaafka awgii, Waxa xisbiga alleh u soo diray oo dar-dar cusub iyo dhiig cusub ku shubay Musharax aqoonyahan Jamaal Ali xuseen oo hogaaminaya Garabkii Xisbiga Udub iyo taageera yaashiisii , waxaanay halkaa kula saxeexdeen heshiis rasmi ah oo ay ku midoobaan labada dhinac. Xaaladii uu waqtigaa ku sugnaa Xisbiga UCid waxa igaga filan tixdan gabayga ah oo uu tiriyay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr isagoo waqtigaas ka mid ahaa xisbiga ucid goob joogna u ahaa heshiiskii dhex maray Faysal iyo Jamaal iyo Guushii xisbiga ee ka danbaysay waxaanu yidhi:- •Inagoo gawaan iyo fadhina, goobti laga yaacay •Inagoo gujiyo ciil qabnoo, ginina aan haynnin •Golihii WADDANI maalintii, uunku wada gaadhay •Oo gaag yar mooyee khalqigu, geesta kale aaday •Gurmadbaa rugtii UDUB ka yimi, geesi loo qiraye •La’aantood libtaan gaadhnay iyo, gool ma dhalan layne. Mudo kooban waxa uu isbahaysigii cusbaa ee NEW-UCID ku dhaqaaqay xawaare aad u sareeya dhawr bilood gudohood wuxuu ilaa 50-60 xafiis ka furtay dhamaan gobolada iyo degmooyinka doorasho ee Somaliland waxaanu si dhakhso ah usoo xulay xildhibaanadii uga qayb gali lahaa tartankii doorashada dawladaha hoose. Doorashadii Golayaasha Degaanka ee qabsoomay 2012-kii wuxuu xisbiga Ucid uu codkii uu ku soo baxay ee ugu badnaa ka helay 21 Ka Degmo Doorasho waxaana u fooday shacab gaadhaaya ilaa 120,000 Boqol iyo Labaatan Kun oo muwaadiniinta reer Somaliland ah. Waxaa xisbiga Dhiig cusub ku shubay oo aduun badan geliyey musharaxa xisbiga Aqoon yahan Jamal Ali Xuseen halkaas oo uu xisbigu uu kaga mid noqday sedexda xisbi qaran ee maanta jira Somaliland. Guushii xisbigu gaadhay waxa guul daro kala horyimid Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo xisbigii saqiiriyey luqunta iskaga duubay kana dhigay meherad uu isagu iska leeyahay. Waxaanu Faysal Ali Waraabe u ban-baxay xan-sha-shaq iyo xabkaysi degamsan wuxuuna noqday dheefdoon ku milmay xayndaabka madaxtooyada iyo Xisbiga Kulmiye. Waxaana uu xisbigii kula shuraakoobay xisbi xaakimkii dawlada si uu dha-dhamo yar uu dheecaankii shacabka u siisto oo uu danahiisa gaarka ah ugu fushado. Bal dob u yar milicsado ereyo ku jiray gabaygii Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr, isagoo talooyin dardaaran iyo hoga tusaalayn siinaya Faysal Cali Waraabe, kana xun ficilada aan laga filayn ee uu faysal lasoo baxay waxa uu yidhi:- • Gudintaadu waxay saaran tahay, geed-sankii baxaye • Inta aad galoolkaa jartaad, beeraysaa gumare • Gedgaddoonku waa ku riday, goorihii hore’e • Geeddiga in hore loo wadaa, guusha dhalin-layde • Gadaal-socod adeerow ha noqon, gaaggax yuu imane La Soco Qaybta 2aad. Waxaan idiinku soo gudbin doonaa Qormooyin taxane ah oo ku saabsan Khilaafka Xisbiga UCID, cida masuulka ah, halka lagasoo istaadho, ujeedada ku qarsoon, dhabar adayga iyo samirka taageerayaasha Musharax Jamaal iyo Dareenka Shacabka Somaliland. Xaqaa Guulaysanaya, Baadilkuna Wuu Khasaaraa.

 

 

Mohamed Aadan Dubad (Gacayte)

Golaha Dhexe Xisbiga UCID

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews