berberatoday.com
Guddoomiye Cirro oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Naxdinta Lahayd ee Ku Timi Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Dr. Cabdi Aw-Daahir Cali
April 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ku hadlaaya magaciisa, kan Hoggaanka, guddiga fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, iyo weliba sida oo kale taageerayaasha xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibadba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid  Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maanta ku geeriyooday magaalada Burco.

ciro

Md. Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale tacsi taas la mid ah u dirayaa qoysaskii, caruurtii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana si gaar ah loogu xasuusan doonaa in uu si weyn uga soo qeyb-qaatay Halgankii dib-u-xoreynta qaran iyo horumarka marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo, sida oo kalena uu ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Somaliland  samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin Amiin.

Innaa-Lillaahiwa-innaaIlleyhiRaajiuun
Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews