berberatoday.com
Hargeysa”Geed Hadhac Ah Oo Ku Yaalay Badhtamaha Magaalada Oo La Gooyay Iyo Xog-waranka Nin 20 Sanno Uu Hoy Iyo Meherad U Ahaa –
April 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berbderatoday.com)-Geed hadhac ah oo muddo 24 sannadood ku siman ku yaalay ka soo horjeedka Koonfureed ee hoteelka caanka ah ee Gargaar ee Hargeysa, ayaa si ba’an oo naxariis darro ah loo gooyay iyadoon la eegin faa’iidada uu u lahaa deegaanka iyo dadkaba.

1

Geedkan oo ahaa geedka loo yaqaan garanwaaga, ayaa waxa uu ahaa geed ay siyaabo kal duwan uga manaafacaadsadaan dad badani. Tusaale ahaan geedkani wuxuu muddo ka badan 20 sannadood hoy u ahaa nin ka ganacsada cadayga oo geedka dushiisa habeenkii seexan jiray,  kana samaystay rako, isagoo wakhtiyada kalena ku hoos iibin jiray cadayga. Ninka ayaa lagu magacaabaa Cabdi Siciid Barre (Cabdi Cadayle).

Sidoo kale dad kale ayaa iyaguna ku hoos iibin jiray ganacsiyo kala duwan. Waxa iyaguna geedka hadhsan jiray dad badan oo socoto ah, maadaama oo uu ku yaalay badhtamaha magaalada Hargeysa.’

Geedkan oo ku horyaalay meherada caanka ah ee Gaari-bila, ayaan la ogayn in wasaaradda deegaanku ka war qabto oo lagu gooyay amar wasaarada laga soo qaatay iyo in dadka geedka gooyay ay iskood goor habeenimo ah gunta uga jareen, waxaana la sheegay inuu gooyay ganacsade kiraystay meheradaha uu geedku ku horyaalay.

Haddaba, wargeyska Geeska Afrika, wuxuu waraystay ninkan mudada dheer uu hoyga iyo meherada u ahaa geedku Mr. Cabdi Siciid Barre (Cabdi Cadayle), waxaanu isagoo ka hadlaya faa’iidada uu geedka ku qabay uu yidhi “Geed hooy ii ahaa, oo aan muddo laabatan sanno ahna ku soo ganacsan jiray, ayaa la gooyey, aniga oo maqan ayaa la gooyey, la ima ogeysiin,  dharkaygii iyo wixii alaab ii ahna waa la qaatay, si badheedh ah oo u kas ahna waa loo gooyey, intaas oo meheradood ayaa soo galay, wali meherad iyo cid ku fikirtay in geedkaas oo dadka u dan ah la gooyo may jirin, imikana markii ugu horeeysay ee ay Hadiya soo gashay ayaa la jaray, Ninka jarayna waxa uu shaqaale u yahay Hadiya, ee waxa aan Dawladda leeyahay intaanay wax kale dhicin Ninkaas na soo kala gaadha, sababta uu ku jaray geedkana ha la weydiiyo iyo halka uu geeyey alaabtaydii.”

Qaar ka mid ah ganacsatada mudada labaatanka sannadood ku siman la jaarka ahaa geedkan, ayaa iyaguna walaac ka muujiyay goynta geedkaas oo ay ka warameen faa’iidada uu u lahaa deegaanka iyo dadkaba.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews