berberatoday.com
Madaxweyne Silaanyo Oo Kormeer Iyo Xadhig Ka Jarid Ku Sameeyey Dhismeyaal Xukuumadu Ka Wado Boorama
April 6, 2016 - Written by Berbera Today

Boorama (Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo weftigii uu hogaaminaayey ee xalay u hoyday gobolka Awdal ayaa maanta mashaariic dhawra ka fuliyey gudaha magaalada boorama, shirna la qaatay isu duwayaasha gobolka, madaxdhaqameedka iyo guddida abaaraha.

iyadoo Madaxweynuhu uu kulamo la yeeshay guud ahaan maamulka gobolka, madaxdhaqameedka, guddida abaaraha ee gobolka awdal, shirkaas oo lagu lafaguray sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa xaalada abaareed ee gobolka ku habsatay, iyo sidii diirada loo saari lahaa tallaabooyin ku tallogal ah haddii ay mardanbe dhacdo abaartan la mid ahi.

kulankaas oo madaxweynuhu guddoominaayey ayuu ku amray in aan laga gaabin haddii roobab da’aan iyo haddii aanay goobaha qaar ka hoorin darruurtu cirka ee hadda uun curatay, gurmadka iyo dedaalkana halkaa laga sii wado, madaxdhaqameedka iyo guddida abaaraha, maamulka gobolka, iyo ka degmada iyo isuduwayaasha gobolka oo halkaa ka hadlayna waxay si weyn u soo dhaweeyeen dhawaaqa madaxweynaha ee uu abaaraha ka muujiyey, waxaanay ballan qaadeen inay sii laban-laabi doonaan  dedaalkooda, kulankan oo habeenkii xalay ahaa ka qabsoomay hotel rays boorama ayaa ahaa mid ku soo xidhmay isfahan iyo wada jir salka ku haysa sidii meel loogaga soo wada jeedsan lahaa danta shacbiga iyo ta qarankaba.

dhanka kale Subaxnimadii hore ee maanta ayuu madaxweynuhu mashaariic dhawr ah oo kala duwan qaarna xadhiga ka jaray, kuwo kalena uu kormeer ku sameeyey, waxaanay kala ahaayeen sidan:-

  1. dhisme cusub oo loo dhisay ciidanka booliska, gaar ahaan xarunta dembi baadhista iyo tababbarka ee gobolka awdal oo madaxweynuhu xadhiga ka jaray.
  2. Xarunta wasaaradda degaanka iyo horumarinta miyiga oo loo dhisay dhisme cusub oo madaxweynuhu iyana xadhiga ka jaray
  3. madaxweynuhu waxa kale oo uu xadhiga ka jaray xarunta dabdemiska gobolka awdal

 

sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu kormeeray dhisme laba dabaq ah oo wasaaradda maaliyadu u dhistay gobolka, kaas oo wakhtigan ku dhaw dhamaad, waxa kale oo uu madaxweynuhu goobjoog ka ahaa laba gaadhi oo nooca gurmadka degdega ah ama Unbalance oo wasaaradda caafimaadku ku wareejisay guddoomiyaha gobolka si ay qayb uga ahaadaan dadka abaaruhu saameeyeen.

 

dhinaca kale waxa uu madaxweynuhu iyana uu goobjoog ka ahaa taangiyo biyood oo midkiiba qaadayo 100 foosto ama 50 foosto oo biyo ah, kuwaas oo wasaaradda xanaanada xooluhu ugu talogashay dadka ay abaaruhu ay barakiciyeen ee biyo la’aanta iyo baad la’aanta u leeday.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegay cusbitaalka guud ee gobolka awdal laguna magacaabo Aadan faarax Abraar, halkaas oo madaxweynuhu u soo kormeeray mid mid, dadkii ku sugnaa waadhadhka, isagoo madaxweynuhu dadkii halkaa ku sugnaa ee xanuunada u jiifay Alle uga baryey inuu ka dulqaado xanuunka oo uu caafimaad sareecana ugu bedelo.

 

intaanu madaxweynuhu ka soo ambo-bixin magaalada boorama waxa uu deeq ka kooban xoolo nool ugu deeqay bukaanka cusbitaalka guud iyo ciidamada.

 

waxaanay weftigii madaxweynuhu u soo kicitimeen dhinaca magaalada hargeysa, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey gabiley iyo degaamada u dhexeeya boorama ilaa hargeysa oo ay weftigi soo gaadheen.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews