berberatoday.com
TIRADA WADAMADA SAMAYSTAY HUBKA NIYUK-LEERKA IYO DAL KASTAA INTA UU HAYSTO
April 6, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Dunidu waxa ay maanta isugu awood sheegataa sida ay hub iyo Ciidan ugu kala awood badan yihiin, gaar ahaan hubka halista ee wax gummaada[Niyukeleer], waxayna awooddaas inta badan laga dhex arkaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo tiro ka mid ah 9ka dal ee haysta hubka Niyukeleerka ay 5ka ka mid ahi kelidood xaq isku siiyeen, in wax kasta oo kasoo horjeeda danahooda oo la horkeeno Golahaasi ay awood u leeyihiin inay isku hortaagaan diidmada awoodda codka qayaxan ee loo yaqaan afka qalaad [ Veto power] soo bandhig dacwad ama dood. Dalalka 9ka ah ee awooday inay samaystaan hubka Niyukeleerka, waxay kala yihiin dalalka Mareykanka, Ruushka, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha, Israa’iil, Hindiya, Baakistaan,Waqooyiga Kuuriya, haseyeeshee Mareykanka iyo Ruushka oo kaliya, ayaa 93% [Boqolkiiba saddex iyo sagaashan] uu gacantooda ku jiraa hubkaasi, inta soo hadhay oo ah 7%[Boqolkiiba Toddoba] ayey 7 dal ee kale haystaan, sidaana waxa laga soo xigtay Ururka ilaalinta hubka ee loo yaqaan [Arms Control Association. Geesta kale 4 dal oo ka mid ah dalalkan waxa ay kaga diiwaangashan yihiin Golaha Qaramada Midoobay dalal sifo aan sharci ahayn u soo saaray hubka Niyukeleerka, waxayna kala yihiin 4taa dal Israa’iil, Waqooyiga Kuuriya, Hindiya iyo Baakistaan. Inkastoo aan cudud Ciidan waxba lagaga qaadi Karin, haddana dalka Waqooyiga Kuuriya oo isagu 2006dii tijaabiyey hubkaasi, ayaa sida la sheegay ah ka jebiyey shuruucda iyo xeerarka Caalamiga ee dunida u dhaxeeya, kadib markuu joojin waayey tijaabooyinka iyo soo saarista hubka halista, isla markaana si joogto ah ugu haddido hubkaas dalalka Koonfurta Kuuriya iyo Mareykanka.nuclear weapons

Afarta dal ee aan hubkooda la xalaalayn mooyaane shanta dal ee kale waa kuwa iyagu leh awoodda diidmada qayaxan, waana Mareykanka, Ruushka, Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska iyo Shiinaha, waana shanta ku amar ku-taagleeya talada dunida, iyaguna siday doonaan ka yeela caalamka intiisa kale, waxana tusaale ku filan siday dalka Iiraan ugu sandduleeyeen inuu aqbalo in si joogto ah baadhitaan xagga soo saarista hubkan lagu sameeyo mar kasta oo sidaa laga dalbo. Sidoo kale dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa isna ay ku soo rogeen cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa kale oo kala duwan kadib markuu dalkaasi dhegaha ka furaystay awaamirtooda, maadaama uu ogsoon yahay inaan dagaal la soo qaadi Karin.

Sida ay faafisay Wakaaladda Wararka ee [Reuters] waxa ay 9ka dal ee aan kor kusoo xusnay uu mid kastaa haystaa tiro ah Madaxyada hubka Niyukeleerka oo kala ah sidan soo socota:-

Inkastoo ay Wakaaladdu ku xustay warbixinteeda inaan dal si sugan loo hayn tirada Madaxyada hubka Niyukeleerka eek u jira gacantiisa, ayaa haddana waxa uu qiyaas ahaan ninka warbixintan qoray oo la yidhaa Denis Sinyakov uu sheegay, in qiyaas Mareykanku uu haysto tiro dhan 6,970 [lix kun sagaal boqol iyo Toddobaatan] Madax uu ah hubka Niyukeleerka, waxanu sameeyey tijaabadiisii ugu horreysay ee soo saarista hubkan halista 1945kii. Dalka Ruushka ayaa isna ay warbixintani ku qiyaastay inuu haysto tiro dhan 7,300 [Toddoba ku iyo saddex boqol] oo madax, balse inta la hubo ee ah hubka Istraatijiga ee u rakibani ay dhan yihiin 1,790 [Kun Toddoba boqol iyo sagaashan] Madax oo ah hubka Niyukeleerka. Faransiiska warbixintu ma xusan tirada madaxyada uu haysto, haseahaatee waxay sheegtay inuu ku jiro kaalinta saddexaad, waxayna intaa raacisay warbixintu inuu Faransiisku aad hoos ugu dhigay wax soo saarkiisa dhinaca hubka halista. Dalka Shiinaha ayaa waxa isna gacanta ugu jira qiyaas ahaan 260 Madax, haseyeeshee sida lagu sheegay warbixinta waxa uu haystaa walxaha laga sameeyo hubka Niyukeleerka oo u suurtagelinaya in marka uu doono soo saari karo tiro intan hadda uu haysto aad ugu badan. Boqortooyada Ingiriiska ayaa iyana qiyaas ahaan haysata ilaa 215 Madax oo qaarkood ay ka mid yihiin kuwa gujisyada baddu xambaarsan yihiin. Dalka Baakistaan oo ka kaliya ee Muslinka ee haysta Hubkan ayaa isna qiyaasta Madaxyada uu haysto lagu sheegay tiro 110- 130. Indiya ayaa tirada Madaxyada ay haystaan iyana lagu qiyaasay inay dhan yihiin 100-120 Madax. Israa’iil, ayaa iyada ay warbixintu sheegtay inay aad u adkayso xogaheeda la xidhiidha hubka halista, balse waxa loo filayaa inay ilaa 100 Madax uu ku jiro gacantooda, haseyeeshee dalka Waqooyiga Kuuriya oo isagu daboolka ka qaaday inuu samaystay hubka halista, isla markaana sameeyey tijaabooyin fara badan oo uu ugu dembeeyey kii sannadka, ayaan haddana ilaa hadda la hubin heerka uu gaadhsiisan yahay, inkastoo la arkay caalamadihii hubkan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews