berberatoday.com
“Markii aan Adduunka Imid Waxaan ahaa Gabadh Aragga Naafo ka ah” W/Q: Xaawa J. Cabdi
April 7, 2016 - Written by Berbera Today

“Markii aan adduunka imid waxaan ahaa gabadh araga naafo ka ah sidaas darteed yaraantaydii waxyaabo badan oo caqabado ah baa isoo maray. Soomaalidu waxay tidhaahda ‘qofkuu inuu indho beelo khalad maaha laakiin waxaa khalad ah inuu ku indho beelo dad indho la dhexdooda’.

Dadkii aan la dhashay ama aan ku dhex dhashay may ahayn dad aqoon uu leh dadka araga naafada ka ah sida loola dhaqmo ama loo xanaaneeyo, taasina waxaay keentay inta badan inaan noqdo qof kaligii noole ah oo inta badan dadka aan ku dhex jirin. Maalin maalmaha ka mida ah, anigoo hooyaday la socda ayaa waxaa aan degenayn tuulaada la idhaah Higlaale, ceel agtiisa ah ayaanu ag dagnayn. Ceelka ayaannu biyo uu soo raadsanay hooyo ayaa aniga isoo kaxeeysay wakhti dhulku doog uu yahay. Markaan kusoo dhaweeyn ceelkii biyaha, ayaa waxaanu argnay laba qof oo meel kasoo socda sida ay hooyo ii sheegtay, kadib markii aanu fadhiisanay ee aanu sugnay — anigu waxaan inta badan ku mashquulsanaa dhirta iyo ubaxa meesha ka beeran waxaana aad uu jeclaa waxyaabaha dabiiciga ah — ubax’yo badan ayaan gacanta ku haaystay, kadib ayey nasoo gaadheen labadii qof. Waxayna noqdeen laba qof oo mid habaryar aniga ii tahay iyo wiil ay dhashay. Markii laysa salaamay kadib, si kaftan ah ayeey habaryaro ku tidhi: ‘inantan quruxda badan, yaa kuu dhalay?’ qadar kadib, iyadoon hadalkii hooyo ka sugin, bay ku celisay: ‘ma inantaadii indhaha la ‘ aydbaa?’ Kadibna hooyo ugu jaaabtay haa. Kadib hadalkaasi wuxuu noqday hadal soo jiitay inankii la socday habaryaro, suurtana galiyay inuu ila hadlo. Wuxuu markii kowaad ii qabtay ee aan ku xusuusan karo inuu ubaxyadii aan gacmaha ku haystay ii kala sheeg sheego taaso igu noqtay in wax qof mar hore ii sameeyay aysaan ahaayn. Wuxuu ii weydiyey…”

“Wuxuu ii weydiiday su’aal: ‘miyaad jeceshahay doogga?’ Waxaan ugu jawaabay: ‘Haa, waan jeclahay meelaha doogga badan ama ubaxyada leh’. Kadib, maalintaas wuxuu ii balan qaaday inuu ii geyn doono meelo badan oo aan jeclahay ama dookhaayga ah. Maalintaas iyo maalmo kaloo badan wuxuu ii kaxeyn jiray meelo qurux badan, wakhtiyo badan ayuu ila qaadan jiray sida galabtii oo kale taasi waxaay khasab ka dhigtay qalbigayga aan qofkaas jacayl badan uu qaado. Hase ahaate, wakhtigaas madaama oo aan da’yara, suurtagal ii may ahayn inaan uu sheego jacaylka. Muddo kadib, waan kasoo tagay degmadii Tawfiiq, waxaan usoo guuray magaalada Gaalkacyo. Runtii, kumaan faraxsaneyn inaan ka tago isagoo jooga laakin waxaa suurtagal ka dhigay wakhtiga. Isagu halkii buu igaga hadhay kadib.

Wakhti kadib baan Gaalkacyo isku aragnay. Suurtgal markii labaad imey noqon inaan uu sheego inaan jeclahay. Sanadkii 2009 baan mar labaad isku aragney magaalada Hargaysa markaas ayaay ahayd markii aan uu sheegay una soo bandhigay jacaylka aan uu hayo. Kadib wuxuu iga hor keenay su’aal anaan ka filneyn, taaso ahayd: ‘Sidee baad wax uu jeclaan kartaa adiga oon waxba arkayn?’ Runtii, anigu kumaan qancsaneyn su’aasha uu ii weydiyey laakin, anigoon ka xanaaqin oo aan ka tagin baan isku dayey inaan ku qanciyo in qofka indhaha la’ uu wax dooran karo waxna jeclaan karo waxna diidi karo indho laantuna aanay ahaayn indhaha wajiga ku yaal uun ee ay tahay qalbiga. Wakhti badan oon ku cel-celiyay, una adeegsaday sugaan aakhirkii waxaa uu igu waafaqay jacaylkayga iguna waafaqay rabitaankayga.

12495053_895379893904112_1413468990394417734_n-300x2001

Taasina waxaay ii noqotay guul inkastoo markii danbe inankii anaan calaf isku yeelan. Waxaan leeyahay, qalibiga wax doortee dookhu maaha dhaayaha. Xaqiiqadu waxay tahay qofku inuu waxna ka dooran karo waxna ku diidi karo qalbigiisa taasna waxaan jeclahay in dadku nala dareemaan ogaadana anigu tan waan soo dhaafay laakin waxaa jira dad badan oo naafo ah oo xaaldan isla imika ku sugan waxaan rajaaynayaa inaay wax ku qataan. Qofkasta wuu dareemi kara jacayl.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews