berberatoday.com
Xaafada Isha Borama Ee Hargeysa Oo Habeenkii Xalay Lagu Dilay Marxuum Ganacsade Ahaa
April 8, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Alle Ha Unaxariiste Marxuum Lagu magacaabi jiray Cismaan Dahir Muuse-liin ayaa habeenkii xalay lagu tiigtayt xaafada Isha Borama ee magaalada Hargeysa, marxuumkan oo ahaa ganacsade kasoo jeeda Beesha(Ayuub)oo suuq weynaha hargeysa Bakhaar ku haystay ayaa dilkiisu ka dhjacay Gurigiisa hortiisa oo nin habuaysan oo aan habaytiisa la aqoonsani ku toogtay isaga oo Marxuumku gurigiisa garaacaya sida uu noo xaqiijiyay wiil lagu magacaabo Xamse oo marxuumka geeriyooday adeer u ahaa, gacan ku dhiiglihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday iyada oo dadkii ka ag dhawaa xiliga uu dilku dhacaayayna sheegen in baabuur Surf ahi goobta ka qaaday ninkii dilka geystay oo ay sheegeen inuu Wajiga Cumaamada kusoo duubtay, Xiliga dilku dhacay oo saacadu ku beegnayd 11 habeenimo ayaa waxa goobta dilku ka dhaacayay oo aheyd meel madaw oo xaafado dhexdoodi suurta gali weyday in gacan ku dhiiglaha la arko xiliga uu falka fulinayay balse dhawaqa rasaasta kadib xaafadihii ka agdhawa debeda usoo baxeen arkeena ninka sii oradaya ee baabuurka ku baxsanayta qiyaastiina waxa loo malaynayaa in baabuurka uu gacan ku dhiigluhu ku baxsaday uu ahaa mid uu marka hore la socday oo diyaar u ahaa inuu la baxsado.

Sidoo kale Mr Xamse oo  ah wiilka uu marxuumka geeriyooday adeerka u ahaa ayaa intaa ku daray in aanay ilaa xalay ciidamada boolisku goobtii dilku kadhacay imanin maydkii marxuumkana ay iyagu goobtii ka qaadeen cisbataalka guud ee hargeysa geeyeen ilaa hadana uu ku jiro talaagada Meydka ee Cisbataalka.

Lama sheegin sababta dhabta ah ee ka danbaysa dilka marxuum Cismaan Dahir Muuse-liin oo ganacsade reer Hargeysa ahaa iyo cida fulisay toona ilaa hada.

dhinaca kale Ciidama amaanka Somaliuland ayaan ilaa hada wax talaabo ah oo Dilkaasi cidii fulisay lagu baadi goobayo samaynin sida uu noo sheegay Wiilka uu marxuumku adeerka u ahaa ee Xamse.

 

Dilka Marxuumkan ayaa umuuqda mid qorsheysan oo laga soo shaqeeyay fulintiisa iyada oo ay naxdin iyo amakaagna kutahay ficilka foosha xun ee Marxuumka lagu khaarajiyay caruurta iyo Xaaska uu marxuumku ka tagay lagana yaabo inay mahadho ku reebto maadama oo gurigiisa hortiisii lagfu khaarajiyay isaga oo soo rawaxay,

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews