berberatoday.com
Xukuumada Somaliland Oo Loogu baaqay Inay Ilaaliso Dastuurka Dalka Uyaala
April 8, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ha’yadda xaquuqal Insaanka Somaliland, ayaa walaac xoogan ka muujiyey Xadhiga Wargeysada, ficilada iyo afduubka xukuumadda Somaliland ku hayso Wariyeyaasha ka hawl-gala gudaha dalka Somaliland, isla markaana waxay ugu baaqday dawladda Madaxweyne Siilaanyo inay dhawrto dastuurka iyo xeerarka caalamiga ah ee bini’aadam-nimada.

 

Guddoomiye ku-xigeenka  Xarunta Xuquuqal Iisaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac oo maanta ka hadlay munaasibad lagu xusayey sannad guuraddii labaad ee xukuumaddu albaabada isugu dhufatay Wargeyska Haatuf oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in wakhtixaadirkan ay saddex Wargeys Xukuumadda Axmed Siilaanyo u xidhan yihiin. “Bilihii ugu dambeeyay ee sannadkan 2016-ka, laga bilaamo Diseebar 11 Suxufi ayaa lagu xidhay Somaliland. Saddex suxufi oo uu ka mid yahay Cabdi fataax Ismaaciil Caarshe waa la garaacay oo jidhkooda ayaa dhibaato loo gaystay. Waliba dhibaatadda ku dhacday Cabdifataax Ismaaciil Caarshe waa mid ku cusub Somaliland oo aanu hore u arrag. Haddaanu nahay xaquuqal insaanka waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland inay sii dayso Wargayska Haatuf, Xogo-ogaal iyo Codka shacabka. Waa in xukuumaddu joojisaa xadhiga saxaafadda in la iska xidh-xidho. Qofkii saxaafadda wax ka tirsada waxa u furan innuu dacwad geeyo maxkamadda, laakiin maaha in saxaafadda la iska xidh-xidho.”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka xaquuqal iisaanka Somaliland Guuleed.

 

Guddoomiye ku-xigeenku wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Ugu Danbayntii xaquuqal iisaan waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland, iyadoo dhawraysa dastuurka dalka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah iyo danta shacabka oo mar walba dadku waxay awood u leeyihiin inay hadlaan, markaa waa inay dhawrtaa.”

 

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenku wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Waxaan fursadan uga faa,iidaysanayaa, madaama maanta ay nala joogaan labadii Xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani. Waa inay sicad u balan qadaan, haddii alle xilka ku guulaysiiyo, siyaasad ah Suxufi dambe la iska xidho ciqaabtana waanu ka soo horjeednaa oo xeerka ciqaabta waanu ka saaraynaa qodobada saxaafadda. Waa in aad sicad noogu balan qadaan. Dawladda eeddeeda iyo baaqeedu, anaga wax ba noo tarimayo, laakiin anaga waxa wax noo taraaya, haddaad tidhaahdaan suxufi dambe la iska xidhimayo.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews