berberatoday.com
“HOOYO , HADDII AAD BADBAADO, XUSUUSNOW INAAN KU JECLAHAY.’’
April 9, 2016 - Written by Berbera Today

XASUUSNOW INAAN KU JECELAHAY
Dhul gariirkii xooganaa ee ku dhuftay dalka Japan markii uu cabbaar istaagay, samate-bixiyayaashii waxay u qalab qaateen in ay raq ama ruux ka baadhaan burburkii dhul gariirka.
Hawsha gurmadku intii ay socotey ayay dalool yar oo guri dunsan ka qooraansadeen maydka haweeney da’ yar, qaabka uu maydku u yaalley ayaa amakaag ku noqotay.
Hab jilbo laab ah oo sujuudsan ayay u taallay haweenaydu, labadeeda gacmood na waxay si xooggan u haysteen walax u dhow oo ay ku dheganeyd. Sagbaddii guriga dumayna waxay ku soo dul dhacday dhabarkeeda iyo madaxeeda.
Caqabado dhib badan kadib ninkii hoggaanka u ahaa unugtan samata bixinta ayaa gacanta ka dusiyay dillaac yar oo tiigsaday gabadha si uu u hubsado in ay nooshahay . Jidhkeeda oo aad u qaboobaa isla markaana adkaaday ayuu ka qiyaastay in ay mar hore xijaabatay.
Agabkii uu haystey isagoo adeegsanaya ayuu bannaystay dululaati uu ku gaadhi karo maydka gabadha . Nasiib wanaag, isla markiiba wuxuu la qayliyay war xiiso iyo farxad leh ‘WAA ILMO YAR! WAA ILMO YAR!’’.
Kooxdii oo dhan baa haw soo tiri oo u wada hawl gashay in ay si taxaddar ah uga kor qaadaan burburkii ku tuulnaa maydka gabadha . ilme yar oo 3 bilood jira oo ku duuban buste ilmood ayaa ku hoos jiray maydka hooyada.
Hooyadani sida muuqatay waxay samaysay naf hurnimo iyo jacayl aan wax loo dhigaa jirin si ay u badbaadiso ilmeheeda.
Gurigu markii uu ku soo dul dhacayay hooyadani ilmaheeda gosha ayay gelisay, jidhkeeda na waxay ku dabooshay ilmaheeda yar si ay u ilaaliso. La yaab waxa ahayd ilmahan si nabad ah ayuu iskaga hurday markii uu soo saaray hoggaanka kooxda badbaadadu.
Bustihii ilmuhu ku duuduubnaa markii uu furay waxa uu ka dhex helay telefoon gacmeed bustaha ku dhex jira. Telefoonkii markii uu ninkii shiday ee uu fiiriyay shaashaddii moobilka ilmo ayaa sida dhibica roobka uga qubatay labadiisa indhood.Shaashadda telefoonka waxa taalay farriin qoraal ah oo ahayd: ‘HOOYO , HADDII AAD BADBAADO, XUSUUSNOW INAAN KU JECLAHAY.’’
Qof kasta oo akhriya farriinta ku qoran shaashadda telefoonku na oohin kal iyo laab ah ayuu la dhacaayay. : ‘’HADDII AAD BADBAADO, WAA INAAD XUSUUSNAANTAA INAAN KU JECLAHAY.’’
Dhacdadan murugada leh waxay ku tusinaysaa jacaylka xaduud iyo shuruud la’aanta ah ee ay hooyo u qabto ilmaheeda.

 

 

 

baby

Xigasho: Maxamed Xaaji

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews