berberatoday.com
Itoobiya Oo Maraakiib Ugu Soo Xidhay Dekedda Jabuuti U Soo Wareejinaysa Berbera
April 9, 2016 - Written by Berbera Today

Jabuuti(Berberatoday.com)-Dawladda IItoobiya, ayaa Maraakiib Badan oo u siday Raashin isla-markaana taagan Dekedda Jabuuti amartay inay u wareegaan Dekedaha Berbera iyo Port Suudaan.

de

Hay’adaha samafalka, ayaa sheegay in sugitaanka dheer ee Maraakiibtu ay sii xumayn karto xaaladda cakiran ee gurmadka loo geysanayo dadka ku tabaaloobay Abaaraha ka jira Dalka Itoobiya.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, ayaa sheegay in uu dalku waajahay dhibaato dhanka Gaadiidka ah, iyada oo la waayey gaadiid raashinka ka soo daabula Jabuuti.

Wasiirka, ayaa Warbaahinta u sheegay in Dawladda Itoobiya la  xaajoonayaan Waddamada Suudaan iyo Somaliland  si loo helo Gaadiid ka soo qaada raashinka gargaarka ah Dekedda Port Sudan.

Qaramada Midoobay ayaa walaac kaa la mid ah qabta, iyada oo aad uga cabatay Gaadiid la’aan.

Dalka Itoobiya, ayaa aad ugu tiirsan Dekedda Jabuuti, balse waxa ay hadda u muuqataa in Dekeddaasi aaney buuxin karin baahida dalkaasi xilli aad loogu baahan yahay in ay la dedejiyo Gurmadka Abaaraha ku dhuftay Itoobiya.

Wasiirka Gaadiidka Kaassuhun Hailemaraim, ayaa sheegay in Marakiibtu ku jiraan saf ilaa Muddo Hal Bil ah, taasi ay xukuumada ku kalifeyso bixinta kharash dheeraad ah.

Dekedda Jabuuti hadda ku sugan 10 Markab oo raashin sida, halka Maraakiibta kale amar lagu siiyey inay ku xidhaan Dekedaha Berbera iyo Port Sudan.

Wasiirka gaadiidka, Kaassuhun Hailemaraim, ayaa sheegay in ay marakiibtu ku jiraan saf ilaa hal bil iyada oo taasi ay xukuumada ku kalifeyso bixinta kharash dheeraad ah.

Dawladda Itoobiya, ayaa dhawaan Dawladda Somaliland la saxeexatay Heshiis la xidhiidha Isticmaalka Dekedda Berbera ee Somaliland.

Source:- http://ethsat.com/ships-loaded-with-food-aid-to-ethiopia-and-waiting-at-the-port-of-djibouti-to-be-diverted-to-the-port-of-berbera-and-sudan/ 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews