berberatoday.com
Wakaalada Biyaha Berbera oo Dayac Xoogani Ka Muuqda Guud Ahaanba xarunta wakaalada Sida Qalabka Adeega Biyaha, Gaadiidkii Lagu Shaqayn Jiray oo Intoodii Badnayd Fadhiyaan,Qalinkii Cali Cabdi Badacas
April 9, 2016 - Written by Berbera Today

Wakaalada Biyaha Berbera o Qarka U Saaran Dayac Xoogan o Ka Muuqda Guud Ahaanba xarunta wakaalada Sida Qalabka Adeega Biyaha, Gaadiidkii Lagu Shaqayn Jiray o Intoodii Badnayd Fadhiyaan iyo Waliba Agab La,aan ka Taagan xafiisyada o aan Wax Qalab ah o Cusub la Dhigin Shantii sano e u danbaysay

Tirada Guud e Shaqaalaha ka Hawlgala wakaalada Biyaha Berbera Waa 102 Qof,Shaqaalahani waa Kuwa Ugu Nasiibka Daran Shaqaalaha hay,adaha Dawlada Somaliland waayo Mudadii ay Xukunka hayeen Dawlada ka Dhisan Xisbiga Kulmiye waxa  Mushaharkii Loo Kordhiyay Dhamaan shaqaalaha Somaliland  e Kala Duwan  Halak u Maareeye cabdiraxmaan cartan  ku Kahayo shaqaalaha  ka Ugu Mushaharka badan 600,000 o Sl/shilling ah  Kuwa kale o dhamina waxay Qaataan 300,000 kun .

Wakaaladu Waa Ill Dhaqaale o Xoogan  Laakiin Maareeye Cabdi cartan Wuxuu ka Dhigtay Kambani u Leeyahay Maadaama aaanya Jirin dawlada La Xisaabtantaa, Sababtooo ah Xataa rasiidhada KLcagta Lagu

Qabto Isgaa Soo Daabacda Kumana Xidhna Wasaarada maaliyada iyo wasaarada Biyaha Toona,

Arinkani Waa Mid xaqiiqo ah  Sida Runtu Tahayna  Habdhaqankiisu waa Wajiyo Badn Yahay o Kolba halka uu danmoodo ayuu Dhabarka Saaraa, Mar Wuxuu Odhanyaa Aniga wasaaradi Ima Xukunto o Waxaan Hoos tagaa dawlada Hoosem Marka ay Is Khilaafaan ama Muran Dhexmaro dawlada Hoosana Wuxuu u Cararayaa Dhinaca Xukuumadam , Waxaana Caado u ah qaylo fara badan iyo cay  Kolba uu Sida Jir Jiroolaha Midab Yeelanyo

 Mudadii u Maareeyaha Ka Ahaa Cabdiraxmaan cartan o Hada 10 sano Ku Dhaw Majirto wax dayac Tir ah o Lagu sameeyay Wakaaladaasi xataa Qol Kumuu darin Cusub Dhismaha Wakaalada

Xiligan Waxa Fadhiya 4 Baabuur o Shaqada Lagu qaban Jiray ,  Waxa   ka  shaqeeya Xarunta   3  Baabuur ,Halka Maareeyaha Wakaalada ay Gurigiisa Ugu xaraysan Yihiin Sadex Baabuur o Kuwa   Raaxad ah , Baabuurtaas o Leh nambar Praivate ah Sida Caadad u ahna Marka u sanado Wato Dib Wuxuu  Uga Iibiya

Wakaalada  Waxaanu Ka Dhigaa  GTo ,

Kharashka ay wakaaladu gasho e Isugu Jira Mushahar iyo Wixii Soo raac waxa Kofer gareeya Biiilsha kazoo Xerooda Guryaha Magaaladam

Lacagta Ugu badan e Kasoo Xeroota Xoolaha Nool e ka Dhoofa Dekada Berbera  waxay si Toos ah Ugu Dhacdaa Jeebada Maareeye cabdiraxmaan cartanm xataa Lacagaha Shirkadaha iyo hayadha dawladu Kuma dhacaan Qasnada wakaalada

 

La Soco warbixino dhab ah o Ku salaysan Musuq Maasuqa iyo hanti Boobka wakalaalada Biyaha Berbera

Waxaan Idiin soo bandhigi Doonaa  Kharashaadka ay wakaaldu gasho oo dhan, dakhliga kala Duwan e Soo gala wakaalada Bil Kasta Sida ta Xoolaha iyo ta Gudaha Magaalada

La Soco Maqaalada Soo socda

 

Cali Cabdi Badacas

Badacas@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews