berberatoday.com
Agaasimaha Guud Ee Cusbitaalka Magaalada Burco Oo Wasaarada Caafimaadka Somaliland Ku Eedeyey Inay Ka Gaabisay Inay Cusbitaalada U Dhisto Qolalka Gergaarka Deg Deg Ah Ee ICU-ga
April 10, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimaha cusbitaalka guud ee magaalada burco Dr Maxamed Axmed Cabdi “Carabeyto”ayaa xukumadda Somaliland gaar ahaana wasaarada caafimaadka Somaliland ku dhaliilay inay gabiyeen inay cusbitaalada waa wayn ee gobolada dalka u dhisaan qolalka gergaarka deg deg ah loo yaqaano “ICU” isla markaana la dhigo dadka xaaladooda caafimaad aad u liidato.

Waxana uu agaasimuhr  tilmaamay inuu qolalkaasi ay ku yaalaan oo kaliya cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa uuna isagu hirgaliyay,sidoo kalena waxa uu shegay dadka la dhigo qolaalkaa waxana uu yidhi

“Horta Somaliland waxa dhibatadu ka taagan tahay waxa weeyey qayb dhan oo cusbitalka ka mida oo la yidhaahdo ICU,oo la dhigo dadka u baahan gergaarka deg deg ah oo ay galaan oo ay qaliinkii ka helayaan, iyo qayb ay hawadii Oxygen ahayd ka helayaan iyo qayb ay mashiinkii wadnaha ka helayaan, oo ay mashiinkii kalyaha ka helayaan,cusbitaalka hargeysa anaa ka bilaabay qaybta yar ee jirta iminka waa la balaadhiyay, intaa yare e cusbitaalka hargeysa ka jirta mooyee in kale oo dalkaa dhan ka jirtaa ma jirto”Sidaas ayuu yidhi Dr Maxamed Axmed Carabeyto

Agaasime Maxamed Carabayto isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa raaciyay

“Had iyo jeer ama qof masuul ah ama dadkii shicibka ahaa marka la keeno markuu hawadii oxygen u baahan yaha marka uu mashiinkii wadnaha u baahan yahay markuu kii kalyaha u baahan yahay had iyo jeer cusbitaaladeeni diyaar uma aha, waana wax wanaagsan in la diyaariyo xukumadduna way ka gaabisay arinkaa”Sidaas ayuu yidhi Dr Maxamed Axmed  Cabdi ‘Carabayto”.

Si kasteba ha ahaate qolaalka loogu tallo galay gergaarka deg deg ah ee ICU isla markaan aloogu talo galay in la dhigo dadka xaaladoodu aad u liidato Ayay xukumadda Somaliland gar ahaana wasaarada caafimaadka Somaliland ay ka gaabisay inay u samayso cusbitaalada gobolada Somaliland si loogu dabiibo dadka ay xaaladooda caafimaad liidato.

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews