berberatoday.com
Prof Axmed Ismaacil Samatar Oo Canaan Dheggaha Goostay Faysal Cali Waraabe Ku Ganay, Kuna Tilmaamay Qof Liita, Xisbigiisina U Jebinaaya Mid La Mid Ah Iyo Musharraxnimada Jamaal Oo Uu Taageeray
April 10, 2016 - Written by Berbera Today

Stockhalm(Berberatoday.com)-Prof Axmed Ismaacil Samatar ayaa canaan dheggaha goostay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee Ucid Eng Faysal Cali waraabe, isagoo ku sheegay inuu yahay Danbiile Qaran, oo ay waajib tahay in Xabsi la dhiggo, isla markaana maxkamadda la geeyo. Prof. Axmed Ismaacil Samatar iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali waraabe oo kulan ku yeeshay dalka Sweden gaar ahaan magaalada Stockhalm. Ayaa waqti kooban kulan ku sheegay shirka caalamiga ah oo lagaga hadlaayey qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland oo ka dhacday xarunta Baarlamaanka Sweden.

Prof. Axmed Ismaacil Samatar ayaa canaan iyo weedho cadho leh ku qarqiyey Gudoomiye Faysal cali Waraabe markii uu indhaha ka qaaday, waxana la sheegay inuu xata ku diiday inuu Sallaanta ka qaado Gudoomiye Faysal Cali waraabe, isagoo ku eedeynaaya inuu Xisbiga Ucid baa’binaayo, isla markaana khiyaamo qaran dumisnimo kula kacaayo, tiir kamid ah Dastuurka Somaliland, waxa kale uu Prof. Axmed Ismaacil Samatar, Gudoomiye faysal ku canaantay inuu ixtiraami waayey masuuliyiinta xisbigiisa iyo sidoo kale Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid oo ku tilmaamay halyey shacaba Somaliland u baahan yihiin, waxaanu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay qof aan damiirkiisu nooleyn.

Waxa kaloo, Prof. Axmed Ismaacil samatar Gudoomiye Faysal si cad ugu sheegay inuu khaldan yahay, isagoo ugu door xulay inuu yahay shaqsi neceb guusha, xisbigiisa ka dhigtay meel uu qof leeyahay, waxana uu usoo jeediyey inuu ka noqdo burburinta Xisbiga Ucid iyo inkiridda Musharraxnimada aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo uu sheegay inuu u taageersan yahay si shaqsiyan ah, waxanu intaa ku daray in aanu haba-yaraatee, waxa xil ah ka qaadanay xataa hadduu yidhahdo Xisbiga Ucid Iska soo sharax, waxanu ku tilmaamay qof bila abaal ah oo aan lahayn wacad iyo axdi midna, waxanu Prof. Axmed Ismaacil samatar naaqusnimo ku tilmaamay hab-dhaqanka Gudoomiye Faysal Cali waraabe oo uu ku sheegay inuu Maskaxdiisa iyo maankiisu garansiiyey inuu Raggii Xisbiga maalkooda iyo naftooda u huray uu u jabiyo xisbig kale oo lamid ah.

Dhanka kale, Gudoomiye Faysal cali waraabe ayaa isku dayey inuu Prof Axmed Ismaacil Samatar ku qanciyo inuu Musharrax ka noqdo Xisbiga Ucid, arrintaasoo uu gabi-ahaanba Prof. Samatar gaashanka ku dhuftay, waxanu aakhirkii Faysal sheegay inuu qaadanayo talooyinka uu siiyey, isla markaana taageeri doono Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen oo isagu lahaa guushii Xisbiga Ucid kusoo baxay.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews