berberatoday.com
Sheekh Aadan-Sunne Oo Sheegay In Dad Gaalo Ahi Xukuumadda Somaliland Ku Khasbeen Inay Hargeysa Ka Ururriso Sameecado Lagu Baahin Jiray Muxaadarrooyin Diiniya
April 10, 2016 - Written by Berbera Today

“Makarafoonnada waxa furtay Gaalo soo amartay Dawladda, Aniguna Shaahid baan haystaa…” Sheekh Aadan-Sunne

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan-Sunne) oo ka mid ah Culimada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay Tallaabo Ciidammada Ammaanku laba Toddobaad ka hor Magaalada Hargeysa kaga ururriyeen Sameecado waaweyn oo ku xidhnaa meelo ka mid ah Badhtamaha Suuqa Hargeysa isla-markaana lagu baahin jiray Muxaadarooyin Diiniya, kuwaasi oo Dad badan ka faa’ideysteen.

Warka 1-aadSheekh Aadan-Sunne, ayaa khudbad uu Jimcihii Doraad ka jeediyay Masaajid uu Khadiib ka yahay kaga hadlay Sababta Ciidammada Ammaanku u furfureen Sameecadahaasi, isagoo ku xidhiidhiyey in lagala dagaalamayo Dacwadda Islaamka isla-markaana Dad Gaalo ahi Dawladda ku daba socdaan.

Sheekh Aadan-Sunne, oo ugu horeyn Sharraxaya Sameecadaha Magaalada la furfuray iyo waxyaabaha lagu baahin jiray, ayaa yidhi, “Rag Muxsiniin ah baa is-xilqaamay oo Waddooyinka waaweyn iyo meelaha suuqa ugu dadka badan ee Hargeysa Makarrafoonno waaweyn ku xidhay, oo yidhi Marna Qur’aanka Saara, marna Muxaadarooyinka ka Digaya Xumaanta Dhageysiiya Dadka. Maxaa lagu sameeyay Sameecadihii, Habeen Saqdhexe ayaa Ciidammada Guryaha u daata ee RRU-da la yidhaahdo oo kale Sameecadihii Samada kaga soo daateen oo ay ka wada dejiyeen meelihii ay ku xidhnaayeen oo laga wada furay, mid keliya lama reebin. Markii laga daba tagay ee la waydiiyey (Booliiska) ma idinkaa furtay, haa.. Annagaa furnay Sameecadaha (Ayay Booliisku yidhaahdeen), oo maxaad u furateen markii la waydiiyeyna waxay sheegeen oo yidhaahdeen Mid ka mid ah Sameecadaha ayaa lagu dhageystay Muxaadaro Godane (leeyahay) oo Amniga Khatar ku ah. Haddaad qoonsatay Muxaadarada lagu dhageystay Sameecaddaasi keliya, kuwa kale maxay galabsadeen? Ileyn Sameecadaha qaarkood oo Xero-jaadda ku xidhnaa ayay ku Muslimeen kuwii ILAAHAY iyo Diinta Caayey’e.”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata, ayaa iswaydiiyey in Kalmadda JIHAAD khatar ku tahay Ammaanka iyo in Qofka ay Mukhaadarradiisa ku jirtay ahaa Muslim, “Cidda aad magacaabeysaa ma Galbaa, Mise Muslim buu ahaa (Godane), hadduu Muslim ahaa, Qof Muslim ahi hadduu Xaqa sheego lama aqbalayo miyaa ?, waxaad igu tidhaahdaa Kalmadda Jihaad baa ku jirtay (Muxaadarrada) Kalmadda Jihaad ma amniga ayay khatar ku tahay?. Ninkan aad sheegaysaa wuxuu ahaa Caalim ka mid ah Culimada wax u soo baratay Ummadda , wakhti ka mid ah wakhtiyada aanu qaadan Qoriga aad ku eryeynayso Dacwad buu waday, Kutub buu qoray, Muxaadarraad buu jeediyey oo uu Arlada kaga tagay, isagu dhimaye Xaqu miyuu dhiman, ILAAHAY mid kale ayuu u hibeyn doonaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa daray Sheekh Aadan-Sune in Dad Gaalo ah ku lug leeyihiin Sameecadaha laga furfurey Magaalada Hargeysa, “Makarafoonnada waxa furtay Gaalo soo amartay Dawladda, Gaalada ayaa furtay sameecadaha, anigu Shaahid baan haystaa oo mid ka mid ah Innamada Makarrafoonnada shida ayaa igu yidhi laba goor baa Nimankaa Cadcad ee faranjiga ah i soo booqdeen, Habeen iyo dharaar ba way yimaaddeen oo way dhageysteen Muxaadarrooyinka Diiniga ee Sameecadaha ka bixi jiray.”

 

 

 

Berberatoday.net/com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews