berberatoday.com
“Wasiirka Jarmalka Ahi Aniga Ilamuu Soo Xidhiidhin, Anaga Ayaa Jecel Inuu Nala Soo Xidhiidho Oo Uu Dalka Yimaado”
April 10, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, ayaa wuxuu ka jawaabay war uus halay wargeyska Afrika baahiyay, kaas oo nuxurkiisu ahaa in wasiirka dawladda Jarmalka ee horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Gerd Muller uu baajiyay safar uu ku iman lahaa Hargeysa, toddobaadkii tagay, ka dib markii uu wax xidhiidh ah ka waayay dawladda Somaliland.

Wasiirka-qorshaynta

Wargeysku, wuxuu sheegay in wasiirka oo marayay dalalka Kenya, Djibouti iyo Tansaaniya uu ka noqday dalka Djibouti, ka dib markii uu dawladda Somaliland ka waayay wax xidhiidh ah oo ku saabsan laba qodob oo ay saraakiisha wasiirka u qaabilsanayd hab maamuusku dalbadeen oo ahaa inay dawladda Somaliland soo diyaariso  warbixin ku saabsan mashaariicda ay dawladda Jarmalku ka hirgelisay Somaliland iyo goobaha ay dawladdu doonayso inuu Wasiir Ger Muller booqdo.

Hase yeeshee Wasiir Sacad Cali Shire, oo shalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay in wasiirkaas Jarmalka ahi aanu la soo xidhiidhin wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, waxaanu Wasiir Sacad Cali Shire yidhi “”Wasiirka Jarmalka ahi aniga ilamuu soo xidhiidhin, cid kale oo Wasaaradda ahna lamuu  soo xidhiidhin,anaga ayaa jecel inuu nala soo xidhiidho oo uu dalka yimaado, fursad qaaliya ayeyna inoo noqon lahayd. Laakiin fursadaas maanu dayicin, maxaa yeelay inaga ayaa caalamka u baahan oo doonayna inaynu qadiyada Somaliland ka dhaadhicino”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi “Somaliland waa dal madax banaan, oo shurudihii dawladnimo buuxiyey, oo Caalamka ka mid ah, balse doonaya in Ictiraafka ka dhiman oo qudha inuu helo, waxaana dhab ah inay Somaliland buuxisey shuruudihi dawlad looga baahna, oo si wanaagsan ula dhaqanta Wadamada Jaarka iyo kuwa Caalamkaba, waxayna hadda Somaliland aduunka uga marti tahay Ictiraaf caalami ah”.

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews