berberatoday.com
“Waxaanu Boobi Doonaa Dukaamada, Hadday Kelifto, Ilayn Qaab Kale Oo Aan Ku Badbaadno Ma Haynee,”Oday Daahir Qorax,
April 10, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-“Waxaanu boobi doonaa dukaamada, hadday kelifto, Ilayn qaab kale oo ku badbaadno ma haynee,” ayuu yidhi Daahir Qorax, oday 76 jir ah oo ku nool magaalada Geerisa, sidaa waxa lagu bilaabay warbixin xaaladaha abaaraha ba’an ee ka taagan deegaamada Galbeedka dalka uu ka qoray wargeyska ka soo baxa dalka Jarmalka shalay. Warbixintan lagu baahiyey wargeyska magaciisa la yidhaahdo, Frankfurten Rundschau, oo ka soo baxa magaalada Frankfurt, ee dalka Jarmalka ayaa lagu bilaabay: “Diiriye Maxamuud wuxuu muddo reerkiisa ku badbaadinayey lacago uu ka soo amaahanayey ehelkiisa, waxaanay qoyskiisu quutaan bariis, wakhti keliya maalintii. Xilligan, dhaqankii dadka reer-miyigu wax isku amaahin jireen wuu sii dhammaanayaa, ayuu saadaaliyey Mr. Kevin Mackey, madaxa hay’adda World Vision, taasoo dhaawici karta xasiloonida ka jirta Somaliland.

“Waxaanu boobi doonaa dukaamada, hadday kelifto, Ilayn qaab kale oo ku badbaadno ma haynee,” ayuu yidhi Daahir Qorax, oday 76 jir ah oo ku nool magaalada Geerisa. Weriyaha diyaariyey warbixintan oo Hay’adda World Vision soo qaban qaabisay ayaa sheegay in ceelka riiga ee magaalada Gaarisa ku sugnaayeen boqolaal xoolo adhi iyo geel ah, laakiin waxa indhahaagu qabanayeen badhtamaha magaalada oo qorshe habaysan ay ka wadeen madax kala duwan oo dalka Somaliland een caalamka aqoonsiga ka haysan ka socday.

Madaxweyne-xigeenka iyo afar wasiir ayaa socdaalo qaatay lix maalmood ku marayey deegaanada abaarahu ka jiraan, isla markaana seexanayey dhirta hoostooda.

“Xaaladdu waa mid aad iyo aad u halis ah,” ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudahu. Xukuumadu waxay wadaa qorshe dadkii iyo xoolahii ka soo hayaamay xuduudka Itoobiya dib loogu celiyo, laakiin in kooban ayaa fursadaa ka faa’iidaysatay. Xukuumada Somaliland ayaa mar horeba bishii February soo saartay baaq qeylo-dhaan caalamka inay gacan ka geystaan abaaraha, isla markaana sheegay in dad lagu qiyaasay hal milyan baahi degdeg ah u qabaan helitaanka biyo, calafkii xoolaha, dawooyin iyo cunto.

Ilaa wakhtigan laba bilood dabadeed, ma jirto wax gargaar ah oo xukuumadu ku heshay baaqii qeylo-dhaanka abaaraha, ayuu ku eedeeyey wasiirka Arrimaha Gudahu, “Aduunku waxuu u muuqdaa inuu na ilaaway,

” Hay’adda gargaarka caruurta ee World Vision, waxay ka mid tahay tiro kooban oo hay’adaha caalamka ee taageero ka geystay, waxaanay wadaa qorshe dhaqaale lagu siinayo hooyooyinka ugu liita saamaynta abaarahu, xilligan way ku meelgaadhi karaan, laakiin, “Hadii xaalada abaarahu sii socdaan, waxa iman doona dhimasho boqolaal ah,” Hay’adda World Vision, oo la kaashanaysa Irish Aid waxay wadeen jawaabo ay ka bixinayeen baahiyaadka bulshada, sida mashaariic la yidhaahdo la dagaalanka nafaqo-darada (CMAM) iyo kuwo lagu quudinayo (TSFP) iyo qorshe dib loogu xoolaynayo dadka iyo mid dhaqaale lagu taageero.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews