berberatoday.com
Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Maamulka Gobolka Awdal Ku Soo Wareejiyay Koox Shufto Ah Iyo Gaadhi Ay Ka Dhaceen Somaliland.
April 11, 2016 - Written by Berbera Today

Boorama(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan iyo taliska ciidanka booliska gobolka Awdal,ayaa shalay fiidkii kala wareegay Maamulka Gobolka Sici ee  dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, koox shufto ah oo gaadhi Xamuul ah ka dhacay gudaha Somaliland gaar  ahaan gobolka Awdal iyo gaadhiga ay dheceen iyo saddex qof  oo ay ku kaxaystee.

Badhasaab-Ramaax6-310x158

Dhacdadan oo dhacday todobaad ka hor ayay ciidanka degmada Aw Barre ee gobolka Sici ee Jigjiga gacanta ku soo dhigeen gaadhiga la dhacay iyo kooxda dhaca geysatayba kadibna waxay shalay fiidkii kulan kula wareegeen Maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo ka gobolka Awdal ee Somaliland deegaanka Gorayacawl  oo u dhow  soohdinta u dhaxaysa degooyinka Aw Barre ee Itoobiya iyo Boorama ee Somaliland.

Sidaana waxa  sheegay Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo khadka Telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN xalay.

“Caawa fiidkii (xalay)waxaanu kala wareegnay Maamulka gobolka Sici ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo ciidanka degmada Aw Barre  gaadhi Xamuul ahaa oo allaabooyin kala duwan siday oo koox shufto ahi ay afduubtay oo ay xadka Itoobiya ula tallaabeen iyo laba ka mid ah dablaydii wax afduubtay iyo saddex qof oo dhibanayaal ah oo ay ku qafaasheen gaadhiga,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Awdal.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Gobolka Awdal xadka ayaa ku dhow markaa, marka ay wax dhacaan cidda dhibaatada geysataa waxay isku daydaa in ay dhankaa u baxsato laakiin wada shaqayn wanaagsan ayaa ka dhaxaysa labada gobol iyo labada dalba ammaankana labada ciidan way ka wada shaqeeyaan. markaa markii shuftadu gaadhiga ay dhacdayba waxaanu kala xidhiidhnay Maamulka Gobolka Sici ciidan ahaan iyo Maamul ahaanna way ka wada hawl galeen waanay soo qabteen imikana waxaanu kala wareegnay gaadhigii oo bad qaba iyo alaabtii saarnayd oo dhan iyo laba ka mid ah dablaydii afduubka geysatay iyo saddex qof oo dhinabayaal ah oo ay ku qafaasheen.”

“Kiiskan illaa imika waxaa u xidhan 8 qof oo ah budhcadda fal dambiyeedka ku kacday waxaanay ku jiraan gacanta Booliska gobolka Awdal, hantidii iyo gaadhiga aanu la wareegnayna imika annaga(Maamulka Gobolka Awdal)ayaa gacanta ku haya,”ayuu sheegay Mr. Ramaax.

Mar uu ka hadlayay gaadhigu waxaa uu siday iyo halka uu u rarnaa iyo nooca uu yahayba waxaa uu yidhi. “Gaadhigu waa nooca ay dadku u yaqaanaan  Shaambooga waxaanu siday noocyo bagaash oo kala duwan waxaanu u rarnaa dukaamo waxaanu u kala safrayay Gudaha Somaliland. imikana habtidii uu sidayna way dhan tahay gaadhiguna wuu bad qabaa. Maamulka Gobolka Sici ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo ciidanka kililka shanaad ee fadhigoodu yahay degmada Aw Barre-na aad ayaan ugu amaanayaa sida wanaagsan ee ay iskaga xil saareen ee ay  shuftadaa u soo qabteen hantidii ay dheceen iyo dadkii ay afduubteen oo nabad qabana ay noogu soo wareejiyeen.”

 

 

 

Source: Dawan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews