berberatoday.com
Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Soo Gabagabeeyay Diiwaangalintii Gobalka Saaxil Ka Socotay Muddo 28 Maalmood Ah.
April 11, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-guddida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa soo gabagabeeyey wajigii labaad diwaangalinta gobolka Saaxil oo muddo 28 cisho ah ka socotay gobolkaasi.

Xaflad loo sameeyey xidhidhitaanka diiwaan galinta gobalka Saaxil oo lagu qabtay jaamacada badda ee magaalada Berbera ayaa waxa ka soo qayb galay  Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Eng. Cabdiqaadir iimaan oo ay weheliyaan xubnaha kala ah  cabdiraxman Cismaan Sagal iyo Kaltuun Sh. Xasan iyo xubnaha komishanka qaranka ee heer gobal, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland, Wasiir ku xigeen, Guddoomiyaha gobalka Saaxil, Taliyaha Booliska gobalka, taliyaha ciidamada gobalka, Kuxigeenka dekada Berbera, guddoomiyaha jaamacada Bada, maayarka degmada Berbera, shirkada Telesom iyo masuuliyiin kale oo badan.

Xafladan lagu soo afmeerayay diiwaangalintii ka socotay gobalka dhamaan xubnihii ka hadlay isku raaceen in ay u qabsoontay sidii la filaayay si ka wanaagsan, sidoo kalana waxay dhamaan aad ugu mahad naqeen komishanka qaranka, waxaanay ku hambalyeeyeen sida loo soo agaasiimay hawshan oo u qabsoontay si wanaagsan.

Maayarka degmada Berbera oo kulankaas furay waxa uu u mahad celiyay xukuumada Somaliland, Guddida komishanka heer qaran iyo heer gobalba, xisbiyada qaranka iyo shirkadahii ka qaybqaatay diiwaangalintaba.

Guddoomiyaha Gobalka Saaxil ayaa isna iftiimiyay dareenkiisa farxada ka muuqato, sida sharafta iyo wanaagu ku dheehan yahay ee bulshada gobalku uga qayb qaateen xaqiijinta iyo ka dhabaynta in diiwaangalin hufani ka dhacdo gobalka.

Guddoomiyaha KDQ Eng. Abdiqaadir Iimann  oo soo gunaanaday hadalka waxa uu ugu maamulka gobalka, bulshada gobalka, shirkada telisom iyo xukuumaduba sida ay uga qeyb qaateen diiwaan galinta sidoo kale waxa uu amaan u soo jeediyay xisbiyada qaranka oo muujiyay biseylnimo lana barbar istaagay komishanka hirgalinta hawshan baaxada leh.

https://www.youtube.com/watch?v=u_bHyx3BlyY

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews