berberatoday.com
Waa Kuma Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade Maxaad Kala Socotaa Shaqsiyadiisa Iyo Habdhaqankiisa Siyaasinimo Iyo Qofnimo?
April 11, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waa Qormo lagu lafa gurayo laguna eegayo  Wasiirada Xukumada Madaxweyne Siilanyo Iyo habdhaqankooda siyaasinimo, Shaqsinimo iyo inuu ku haboon yahay in Xilka wasiirnimo lagu aamino.

sarr

Wasiirkii  Koowaaad iyo Wasiir Warancade

 

Waa siyaasi dhowr iyo labaatankii sannadood ee Jamhuuriyadda Somaliland jirtay ka dhex muuqday masraxa siyaasadda, waxaannu door ka soo qaatay hawlihii nabadaydaynta ee dagaalladii sokeeye iyo hub-ka-dhigistii malleeshiyooyinka.

Waa siyaasi ka dhawrsada inta badan xag-xagashada iyo yooyootanka siyaasiyiinta ay iska soo horjeedaan, dhawrsanaantaas oo lagu tilmaamo inay nasiib u siisay in aannu ka qadin saddexdii xukuumadood ee marxuum Cigaal, Rayaale iyo Siilaanyo oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan oo wasiirnimo, isagoo tan iyo waqtigaas wasiir ka soo noqdaywasaaradaha Hawlaha Guud, Caafimaadka, Warfaafinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Duulista iyo Hawada iyo Daakhiliga oo uu hadda madax ka yahay.

Waxa uu caan ku yahay inuu dhaldhalaalin iyo qurux ku soo kordhiyo wasaarad kasta oo xilkeeda loo dhiibo, isaga laftiisuna waa nin xarrago badan oo jamaalka iyo joogga muuqaalkiisa ku darsaday timo wada cad oo ragga kale lagaga sooco.

Waxa lagu sifeeyaa oday-nabadeed had iyo jeer isu xilqaama gacan-ka-geysashada arrimaha nabadda iyo isu-soo-dhoweynta bulshada reer Somaliland ee xurgufaha colaadeed dhexmaraan. Waa qunyar-socod qosol iyo dhoolla-caddayn ku jila garoonka siyaasadda, isla markaana cilmiga basaasidda ku soo qaatay dalkii laysku odhan Midowga Soofiyati ee burburay, gaar ahaan hay’adda sirdoonka Ruushka ee loo yaqaan KJP, waxaannu muddo badan ka tirsanaa hay’addii NABAD-SUGIDDA taliskii Siyaad Barre ee aadka looga baqan jiray.

Dadka ka soo horjeeda ayaa ku sheega danayste markasta siyaasaddiisu ku dhisan tahay la-saaxiibka hadba madaxweynaha talada haya si xil loogu magacaabo, balse aan lahayn Han iyo Damac dhaafsiisan xilka wasiirinimo ee uu in ka badan toddoba jeer soo qabtay.

Laakiin taageerayaashiisa ayaa u yaqaan waddani iyo masuul daacad ah oo naftiisa u hibeeyey horumarka dalkiisa iyo wax-u-qabashada dadkiisa oo mudan in madaxda qaranku ku daydaan, xaqna u leh in lagu qiimeeyo, laguna abaalmariyo waxtarkiisa.

Waxa lagu xantaa dawlad-la-nool iyo dantii-yaqaan ka cabsada ka mid noqoshada siyaasiyiinta Mucaaradka ah, kuna baraq-jaba istaagista fagaarayaasha laga dhaliilo hadba Dawladda xukunka haysa, maadaama uu jarta siyaasadda ka bartay oo keliya dhinaca Muxaafidnimada.

Waxyaabaha sida gaarka ah loogu xasuusto waxa ka mid ah doorkii uu ka soo qaatay khilaafkii burburiyey xisbigii UDUB ee uu ilaa aasaaskiisii raarta ugu jiray, waxana lagu tiriyaa inuu sabab u ahaa ismaandhaafkii xisbigiisii saaxadda kaga baxay wax yar kadib markii xukuumaddii UDUB ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin lagaga adkaaday doorashadii Madaxtooyada ee dalka qabsoontay 26 June 2010. Lasoco Qaybta labaad ee falanqaynta Wasiir Cali Warancade.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews