berberatoday.com
Hooyo Leh Uur 8 Bilood Ah Oo Dhaawac Culus Ka Soo Gaadhay Deyr Uu Dumiyey Roob Ka Da’ay Boorama
April 12, 2016 - Written by Berbera Today

Borama(Berberatoday.com)-Roob Habeen hore ka da’ay Magaalada Boorama, ayaa waxa ka dhashay khasaare Dhaawac ah, ka dib markii Lamaane is-qaba uu ku dumay Deyr Weyn oo Aqal Soomaali uga garab dhisnaa.

Roobkan oo Da’ayey  Muddo Hal Saac ah, ayaa Deyrka uu dumiyey waxa uu baa’biiyey Aqal-Soomaali ay ku jireen Hooyo Uur 8 Bilood ah leh iyo Seygeeda, waxaana dhagaxiintii Deyrka dumay dhaawac culus gaadhsiiyeen Hooyadaa Uurka leh, inkasta oo Seygeedii ka badbaaday.

Hooyada dhaawacu ka soo gaadhay deyrka uu Roobkaasi Dumiyey oo subaxdii hore ee Shalay laga soo hoos-saaray dhagaxiintii ku fadhiisatay isla-markaana iyada oo Xaaladdeedu culus tahay la gaadhsiiyey Cisbitaalka Guud ee Magaalada Boorama, ayaa waxa Xaaladdeeda iyo sida wax u dhaceen ka warramay Taliyaha Saldhigga dhexe ee Booliiska ee Gobolka AWDAL Muuse-kaadhiin, “Roobku wuxuu bilaabmay Afartii Habeennimo, waxaanu socday illaa Shantii Subaxnimo, dabadeedna Deyr baa ku dumay qoys ku jiray Aqal-Sooomaali ah, Ninkii wuu ka badbaaday, laakiin Gabadhii oo aanu Saaka oo dhan (Shalay) ka foqeynay Gidaarka ayaanu dhakhtarka geynay, way noo shahay oo way hadlaysaa, laakiin lugaheeda ayaa noqday sida Marada.”ayuu yidhi,

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews