berberatoday.com
Jaamacadda Qaahira oo Shahaado-sharaf Sare ku Maamuustay Boqorka Sucuudiga »
April 12, 2016 - Written by Berbera Today

Cairo(Berberatoday.net)-Jaamacadda Qaahira (University of Cairo) ee dalka Masar, ayaa go’aansatay in ay shahaado-sharaf (honorary Doctorate) ku maamuusto boqorka Sucuudiga Boqor Salman, iyadoo u aqoonsatay inuu door cajiiba ku leeyahay isu-keenidda shucuubta Carabta, islaamka iyo muslimiintaba iyo waliba taageero uu siiyo dadka Masaarida.

Prof. Jabir Nissar oo ah Madaxweynaha Jaamacadda Qaahira, ayaa sheegay in Golaha jaamacadda ugu sarreeya kulmeen Khamiistii toddobaadkan, go’aanna ku qaateen in boqorka loo aqoonsado inuu gobolka Carabta ka yahay halyey, saamayn aad u fiicana ku leeyahay Carabta iyo caalamkaba. Waxa ay si gaar ah u xuseen in boqorku caawiyo jaamacadda oo uu ka taageeray in ay dhakhtar u khaasa sammaysato.

Muftiga Masar Dr. Shaqi Allam, ayaa booqashada Boqor Salman ee dalka Masar ku tilmaamay mid taariikhi ah, taasina muujinayso iskaashi iyo is-garabsasho dhexmara labada dal, kaasoo lagaga bixi karo carqaladaha haysta mandaqadda Carabta.salman

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Dr. Nabil Elaraby, ayaa booqashada Boqorka Sucuudiga ku sifeeyey mid taariikhi ah oo Carabta faa’iido badan u leh, waxaannu yidhi; “Booqashada Boqorku waa mid muhiimad gaar ah oo laba geesood leh oo dhexmartay Boqor Salmaan iyo Madaxweyne El-sisi, taasoo lagaga baxayo dhibaatooyinka Carabta haysata, xoojinaysana xidhiidhka boqortooyada iyo Masar.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews