berberatoday.com
Prof Samatar Oo Si Adag Uga Horyimid Guddiga Ictiraaf Raadinta Iyo Cidda Ku Dartay
April 12, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa si adag u naqdiyay guddiga ictiraaf raadinta iyo weliba sida fudud ee loogu daray magaciisa.

Samatar

Prof Samatar, oo hadal ka jeediyay kulan ay jaaliyada Yurub ee Somaliland ku qabsadeen dalka Sweden, wuxuu ku sheegay in isagoon ogayn, cidna aanay la soo xidhiidhin uu ka war helay guddiga magaciisa lagu daray, waxaanu saadaaliyay inaanay guddigaasi guulaysan doonin, isagoo sabab uga dhigay in lagu magacaabay qorshe la’aan iyo laab la kac. “Waan hayaa dhukumentigii guddiga lagu abuuray, maaha mid wax lagu iibin karo. qodobka labaad waxa weeye qisadan yaa qaadaya, dadka qaadayaa waa kuwama, karti maw leeyihiin, dad karti u leh ma yihiin, miiddii wadanka inta laga soo saaro ma yihiin lagu aamini karo gidaaradaas adag ee la jabin kari waayay 25 sannadood.  Qodobka saddexaad, halkee ayaa la gaynayaa, ilayn adduunyadu way balaadhantahay, waana shan qaaradood oo ka kooban laba boqol iyo in ka badan.” ayuu yidhi Samar, oo intaas raaciyay “Anigu guddigaas imika la sameeyay anigoo ixtiraamaya Sacad [Wasiirka], waxaan warqad u qoray Sacad waxaanan idhi ma soconayso.  Sannadkii 2013 markii aan dalka tagay waa la I weydiiyay oo tallo na sii ayaa lay yidhi, waxaan ku idhi waxaad samaysaan guddi madaxbanaan oo dawladda iyo mucaaradku ku shaqo lahayn oo ah dad la soo xulay oo wadanka jecel, dan kalena aan ka lahayn; inay soo dejiyaan istraatajiyadaas, waayahay ayaa lay yidhi dibna uma maqal, ilaa maalinta magacayga lagu soo qortay meesha. Waa waxyaabaha Xamar iga soo eryay ayay tahay.”

Wuxuu ka hadlay warqad uu u qoray wasiirka arrimaha dibadda, “Hadda markay timid warqad ayaan u qoray, tii hore ee aan u qoray iyadoo la socoto ayaan u diray Madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda, inanka bedelay wasiirkii madaxtooyadana nuqul ayaan u diray, waxaanan ku idhi anigu waan ka baxay oo kuma jirayo guddiga, waxaanan ugu jirayna ma shaqaynayso. “

Wuxuu Prof Axmed Ismaaciil Samatar yidhi “Markaas guddigani waxay ila tahay inaanay shaqaynayn, miisaaniyad ma arkayo, istaraatajiyadna ma arkayo.  Markaas in dib loogu noqdo ayay u baahantahay siday ila tahay, 18 qof ayaa guddi lagu soo qoray, waa sida dawlad oo kale ee lagu leeyahay 45 wasiir ama 50 wasiir, waar 50 wasiir maxay Somaliland ka qabanayaan.”

Wuxuu Prof Samatar, hadalkiisa ku soo gunaanaday hadal uu codsaday in laga qoro, “Caawa waxaan ku khaamarayaa idinkuna iga qortaan ma shaqaynayso guddigaasi.” ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews